Gurguurte oo weji-gabax kala soo laabtay safar kedis ah oo shalay uu ku tagay Uganda.

Tuesday October 27, 2026 - 17:28:07
MeMO Staff
Madaxweynaha DF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar deg-deg ah shalay ku tagay dalka Uganda, kadib markii sida la sheegay uu farriin yeermo ah ka helay madaxweynaha dalkaasi, baadariga lagu magacaabo Yuweri Musaveni.
Safarkan oo qaatay saacado kooban, ayay wararku tibaaxayaan in Gurguurte iyo Musaveni ay kulan xasaasiya ku yeesheen madaxtooyada Uganda, kaas oo Yuweri Musaveni uu kusoo bandhigay walaaca uu ka qabo xaaladda DF Soomaaliya.

Sida ay xaqiijisay warbaahinta Uganda ee Nile Post, wadahadalladan ay shalay yeesheen labadan horjooge ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee kasii daraysa ee kooxda riddada Soomaaliya, iyo walaaca xooggan ee Musaveni uu ka qabo arrintaasi.

Madaxweynaha Uganda waxa Gurguurte si cad ugu sheegay in weli amniga kooxda riddadu uu aad u liito, isla markaana ay jiraan caqabado ilaa hadda loo maaro la’yahay oo wiiqay xasilloonida nidaamka Villa Soomaaliya.

Intii kulanku uu socday, Yuweri Musaveni waxa uu sheegay in wax-ka-qabashada caqabadaha ku gedaaman kooxda riddada Soomaaliya ay marka hore u baahan tahay in si cad loo fahmo sababaha assalka u ah dhibaatooyinka jira.

"Dhammaan dhibaatooyinka aad ka hadlayso waan naqaannaa. Waxaan u baahanahay inaan abaabulnaano oo aan wajahno dhibaatada ugu weyn,” ayuu yiri Yuweri Musaveni, isagoo la hadlaya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxa Villa Soomaaliya.

Sidoo kale intii uu kulanku socday Xasan Gurguurte Intii uu kulanku socday, ayaa Museveni warbixin ka siiyey xaaladda amni ee riddada Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey dhibaatada amni ee Xukuumadda Muqdisho ay wajahayso.

Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa iyaguna xaqiijiyey in Yuweri Musaveni uu Gurguurte ku canaantay in uusan waxba ka qaban khilaafka ka dhex aloosan Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, isla markaana uu sii murjiyey xaaladda kadib markii khilaafka gaaray ilaa maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Uganda ayaa la sheegay in Gurguurte uu u gudbiyey laba qodob oo kala ah:

1- In kowda bisha December, dowladda Uganda ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, haddii aan la helin ugu dambayn 15-ka bisha soo socota ee November, heshiis kama-dambays ah oo siyaasadeed oo lagu xallinayo arrinta doorashooyinka.  

2- Haddii qodobka koowaad si buuxda u hirgeliwaayo, waxa uu Yuweri Musaveni sheegay in ciidamadiisa uu si dhamaystiran uga saarayo dalka Soomaaliya.

Sida ay ilo-wareedyadu tibaaxayaan, intii kulanku socday, waxa la sheegay in Uganda ay ka digtay ficillo ay ku tilmaantay kuwo waaweyn oo saamayn ku yeelan doona qaabaysanka amni ee kooxda riddada, iyo weliba xaaladda guud ee gobolka.

Ficilladaasi uu ka digay, waxaa ka mida shaki badan oo uu ka muujiyey dhaqaale loo ballanqaaday ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kana madax-bannaan hawl-galka AUSSOM, oo ilaa hadda lacagtaasi aan helin, taas oo laba dal oo bixinteeda ballanqaaday ay sheegeen in ay bixiyeen oo kooxda riddadu ay kala wareegtay. Waxaana Gurguurte lagu amray in sida ugu dhakhasaha badan lacagtaasi loo helo. 

Laba ka mida wasiirrada ugu muhiimsan ee xukuumadda Gurguurte, ayaa dalka Qatar dhawaan kala hadlay lacagtaas in la bixiyo, waxaanay wararku sheegayaan in lacagtaasi la bixiyey, balse dhinaca Villa Soomaaliya ay ku baxday.

Uganda waxa kale oo ay si toos ah u caddaysay in bisha soo socota ee November horraanteeda ay bilaabi doonto, bixitaanka qayb ka mida ciidamadeeda oo laga soo daad-gurayn doono gobolka Shabeellaha hoose.

Gurguurte ayaa isla shalay dib ugu soo laabtay Soomaaliya, xilli uu socday dagaalkii ka dhacay deggaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo si ba’an loogu laayay ciidamo ashaamud ah oo Villa Soomaaliya ay kasoo ururisay deggaanno kala duwan.

FG: WARARKA DEG-DEGGA AH: TELEGRAM, FACEBOOK, X/TWITTER, SUBSTACK, SIGNAL & CHIRPWIRE.

Related Items

Update cookies preferences