Dagaal culus ayaa lasoo sheegay in saaka uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baaay, gaar ahaan agagaarka deegaanka Baay-Burjaad, kaas oo dhex-maray ciidamo daacad u ah C/Casiis Laftagareen iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay saaka in muddo ah maqlayeen rasaas xooggan oo ka dhacaysa aagagga ku xeeran magaalada, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda amni ee sii xumaanaysa.
Warar ka soo baxaya deggaanka Baay-Burjeed ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Villa Soomaaliya lagu go'doomiyey duleedka magaalada, isla markaana la gaarsiiyey khasaare culus.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah, kadib markii xaaladdu ku cuslaatay maleeshiyaadka Gurguurte, ayaa waxay taageero dhinaca cirka ah ka heleen diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo la sheegay inay tuureen laba gantaal.
Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegayaan in dagaalka lagu burburiyey gaadiid dhowr ah oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, halka tiro kale oo gaadiid ah-na gacanta looga dhigay.
Xogtu waxay sidoo kale sheegtay in uu jiro saanad millateri oo fara badan oo isugu jirta hubka culus iyo midka fudud in laga furtay maleeshiyaadka Xasan Sheekh.
Xassan CabdulQaadir oo ah wasiirka amniga ee maamulka Laftagareen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cagta ay mariyeen maleeshiyaad kasoo baxay magaalada Baydhabo ka soo baxay joogayna duleedka Baydhabo jab xoogan ay la kulmeen lagana saaray goobihii ay ku sugnaayeen.
Dhacdooyinkan ugu dambeeyey ee saaka ayaa imanaya iyadoo oo maalinnimadii shalay jab xooggan la gaarsiiyey isla maleeshiyaadkan, kadib markii laga gubay baabuur isla markaana laga laayay askar iyo saraakiil uu ka mid ahaa sarkaal magaciisa lagu sheegay C/Raxmaan Saylici.
Isla shalay ayay ahayd markii ciidamo daacad u ah C/Casiis Laftagareen ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta degmada istaraatiijiga ah ee Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
