Dagaal culus oo u dhexeeya jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka oo ay kor kala socdaan diyaaradaha dagaalka ee Turkida ayaa ka socda deegaanka Jameeco, duleedka magaalada Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada DF Somaliya ee la beegsaday oo la sheegay inay gaarayeen ilaa saddex kun oo askari ayaa cagta la mariyey, waxaana la gaarsiiyey khasaare baaxad leh.
Ciidamada ayaa lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwo xul ah, oo laga soo kala ururiyey gobollo ay ka mid yihiin Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha hoose.
Sida ay xogtu tibaaxayso gaadiid fara badan ayay jihaadiyiintu kula wareegeen dagaalkan, halka gawaari kale oo aad u badanna la gubay.
Waxa kale oo jira askar fara badan oo ka tirsan kuwo DF Soomaaliya oo lagu dilay dagaalladan, iyo sidoo kale dhaawacyo tiro-beel ah oo lagu gaarsiiyey dagaalkan.
Kolonyada Ciidamada DF Soomaaliya, waxaa kor ka waardiyeynaysay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, balse jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray.
Firxadka ciidamada Gurguurte ayaa lagu soo warramayaa in lasii baacsanayo meelo aad uga fog goobihii lagu dagaallamay.
Jihaadiyiinta ayaa haatan si buuxda gacanta ugu haya deggaannadii uu dagaalku ka dhacay, waxaana socda tirakoobka khasaraaraha soo gaaray ciidamada DF Soomaaliya.
La soco wixii kusoo kordha insha Allaah….
