Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayay wararku tibaaxayaan in saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan ay ka fuliyeen gobollada Wajeer iyo Laamuu oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Wajeer, waxaa ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaanka Konton ee degmada Qorof Xaraar.
Weerarkan oo jihaadiyiintu ay u adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa weli aanaan ka helin tirakoob sugan oo muujinaya khasaaraha gaaray ciidamada Kenya.
Gobolka Laamuu, waxay jihaadiyiintu ka fuliyeen weerar ay ku bartilmaameedsadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Milimaani.
Sida xogtu ay tibaaxday, intii uu dagaalku socday waxa uu dab qasaday dhismo ku yaallay xerada dhexdeeda oo sahay kala duwani ay u taallay ciidamada Kenya.
Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu beegsado ciidamada shisheeye ee kusoo duullay dalka Soomaaliya iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
