FAAH-FAAHIN: Khasaaraha kamiin shalay ka dhacay duleedka saldhigga Ballidoogle.

Sunday October 25, 2026 - 11:14:28
MeMO Staff
Waxaa sii kordhay khasaaraha weerar dhabbo-gal ah oo jihaadiyiintu ay shalay u dhigeen kolonyo maleeshiyaad ah oo ku socdaaleysay duleedka saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeellada hoose.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 12 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtazaqada ah ee Maraykanku ku shaqaysto ee Danab.

Sidoo kale tiro ka badan intaas ayay xogtu xaqiijisay in lagu dhaawacay weerarkan kamiinka ah ee gelinkii dambe ee shalay loo dhigay maleeshiyaadka Villa Soomaaliya.

Waxa kale oo la xaqiijiyey in 3 gaadiidka dagaalka ah laga gubay maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo uu ku jiray gaari nooca miino-baarka ah.

Isla gobolka Shabeellaha hoose, Jihaadiyiintu waxay ka fuliyeen habeennimadii xalay weerar culus oo ay ku mireen xerada ciidamada Uganda ee degmada Qoryooley.

Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu bartilmaameedsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco:

Related Items

Update cookies preferences