Taliska millateriga Al-Shabaab ayaa goor dhawayd war kasoo saaray dagaalka galabta ka qarxay inta u dhaxaysa deggaanka Leego iyo Jameeco ee gobolka Shabeellaha hoose.
Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan:
"Mujaahidiinta oo cagta mariyay kolonyo ciidan murtadiin ah”
15 Jamadul-Awwal 1448 H (26 Oktoobar 2026)
Ciidamada Mujaahidiintu waxay galabta oo Isniin ah dagaal culus kala hortageen maleeshiyaad murtadiin ah oo ay galbinayeen diyaaradaha cadawga Turkida, kuwaas oo duullaan ku soo qaaday deegaanada lagu maammulo shareecada Islaamka ee Wilaayada Shabeellada Hoose.
Maleeshiyada murtadiinta ah oo tiro ahaan gaaraysay ilaa 2,000 (Laba kun) oo askari, kuna hubaysnaa 110 (boqol iyo toban) gaadiidka dagaalka, ayay ciidamada Mujaahidiintu ku beegsadeen nawaaxiga deegaanka Jameeco ee dhaca duleedka magaalada Leego, Wilaayada Shabeellada Hoose.
Dagaalka waxaa qayb ka ahaa diyaaradaha cadawga Turkida ee F-16 iyo daroonis, kuwaas oo isku deyay inay gurmad siiyaan maleeshiyada dabadhilifyada u ah. Dagaal socday muddo saddex saacadood ka badan ayaa si ba’an loogu xasuuqay cadawgii murtadiinta ahaa.
Dhimashada hordhaca ah ee murtadiinta gaaray waa 321 lagu dilay dagaalka iyo dhaawac intaas ka badan. Waxaa sidoo kale jira maleeshiyaat maxaabiis ah oo laga qabtay cadawga. Khasaaraha ayaa intaas ka badan kara, iyadoo maydad horleh xilli walba la helayo.
Sidoo kale, Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay inta badan gaadiidkii ay wateen kolonyada murtadiinta, kuwaas oo ay ku jiraan gaadiid gaashaaman oo ay cadawga Turkidu siiyeen maleeshiyada murtadiinta ah, gawaari tikniko ah iyo gaadiid xamuul ah oo ay ku raranyihiin sahay aad u xooggan. Waxaa intaas sii dheer hub iyo saanad farabadan oo ay Mujaahidiintu ku qaniimeysteen dagaalka.
Cadawga ashahaado la dirirka ah ayaa ka cararay goobta dagaalka, waxaana firxadkooda lagu sii baacsanayaa dhulka hawdka ah ee u dhexeeya Leego iyo Balidoogle. Wixii faahfaahin ah iyo sawirada hordhaca ah ee dagaalka goordhow ayaan soo gudbin doonnaa insha’Allah."
