Xogo dheeraad ah ayaa ka soo korodhay weeraro jid-gal ah iyo qaraxyo labadii maalin ee la soo dhaafay lagu beegsanayay kolonyo maleeshiyaad ah oo ku socdaaleysay duleedka saldhigga Balidoogle, ee gobolk Shabeellaha hoose.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in weerarradaasi ay ku dhinteen in ka badan 23 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, waxaana ka mid ahaa 2 sarkaal.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in dhaawacyaduna ay gaarayaan toboneeyo askari, halka gaadiidka dagaalka ee weerarradaasi lagu gubay ay yihiin 5 baabuuur, waxaana ku jira gaari nooca miino-baarka ah.
