Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay doorasho ay soo qaban qaabisay kooxda Villa Soomaaliya waxaana doorashadan mar kale lagu dooranayay Cali Guudlaawe.
Hool ku dhaxyaal xarunta madaxtooyada ayaa lagu soo xareeyay todobaatameeyo xildhibaan oo katirsan golaha baarlamaanka ee maamulkaasi.
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa madasha ka sheegay in codadka ugu badan ee doorashada uu ku guuleystay Cali Guudlaawe oo maamulka horay madax ugu ahaa.
Cabdifataax Xasan Afrax oo soo noqday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa isna loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.
Warbaahinta ayaa laga daawanayay codad la tirinayo balse aan la sheegin cidda codeysay taas oo banaanka soo dhigtay in waxa meesha ka dhacay ay ahaayeen doorasho-ku-sheeg ay Villa Somalia dadka ku jiha-wareerinaysay.
Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin ku sugan Beledweyne ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorasho-ku-sheegta ka dhacday magaalada Jowhar.
