Wararka ka imanaya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Shabeellaha hoose iyo Banaadir.
Gobolka Banaadir, Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa qarxiyey bar-kantarool oo maleeshiyaadka Gurguurte ay ku leeyihiin Ex-kantarool Balcad ee degmada Yaaqshid ee caasimadda Muqdisho.
Gobolka Shabeellaha hoose, qarax ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab oo lala beegsada gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Gurguurte ayaa habeennimadii xalay ka dhacay inta u dhexeysa Afgooye iyo Wanlaweyn.
Sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, ma jiro askari ka badbaaday qaraxaasi, iyadoo gaariga la qarxiyey-na uu gebi ahaanba basbeellay.
Askarta qaraxan ku naf-waayay waxaa ka mid ah sarkaal isku hayay laba xil oo kala ahaa taliye Urur iyo Abaandoole, kaas oo magaciisa lagu sheegay Yaxye Cali Magan.
