War uu maanta soo saaray Ugaas Xasan, Wasiirka Warfaafinta maamulka Laftagareen, ayuu ku faahfaahiyey dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo khasaarihii ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ee waardiyeeya Aadan Madoobe.
Ugu horeyn wuxuu sheegay in howlgalkaasi uu guuleystay, isla markaana ay burburyiyeen 4 gaari oo kuwa gaashaamaan ah, kuwaas oo uu xusay in Xasan Guruguurte uu kusoo daabulay Koonfur Galbeed, si uu ugu dhibaateeyo shacabka ku nool deggaanka.
"Waxaa ay ay ciidamada daraawiishta si fudud kula wareegeen hub iyo raas kala duwan oo kala 88 AK-47, 52 PKM, 6 Ds-KS, 26 tons oo Bumbooyin ah, 51 fuurto shidaal ah 73 tons daawo ah iyo rasaas kala duwan. Waxaan dib loogu xoreyn doonaa deegaanadda kala duwan ee Koonfur-galbeen Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ugaas Xasan.
Inkastoo Ugaasku uusan sheegin tirakoobka dhimashada ee soo gaartay maleeshiyaadka Gurguurte, haddana waxuu carrabka ku dhuftay in ugu yaraan 108 askari oo dhaawac ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Villa Somalia ee shalay ku dhaawacmay Baydhabo loo daabulay Muqdisho.
"Waxaan qiraynaa in hogaamiyaha kooxda kusoo duushay Koonfurt Galbeed, calooshiis u shaqeyste Aadan Ansax iyo dhagar-qabe Xasan Eelay ay si dirqi ah uga badbaadeen gacanta Ciidamada Daraawiishta, hase ahaatee waxaa hubaal ah in marko la arki doono iyagoo lagu maxkamadeynaayo shacabka hortoodda…” ayuu yiri Ugaasku.
Waxa uu ka dhawaajiyey in si weyn looga qaxay Baydhabo, kadib markii dhibaatooyin xooggan ay kala kulmeen maleeshiyaadka uu Gurguurte ku soo daabulay magaalada. Waxaanu Ugaasku uu wacad wacad ku maray in Aadan Madoobe uusan ku badbaadi doonin taako ka mid ah dhulka Koonfur Galbeed.
Shalay ayay ahayd markii kooxda CabdiCasiis Laftagareen ay la wareegeen badi magaalada Baydhabo, isla markaana ay haysteen in ka badan lix saacadood, kadib markii ay cagta mariyeen xerooyin dhowr ah oo difaacyo ay kaga jireen maleeshiyaadka Aadan Madoobe.
