Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaallo culus oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaas oo ay ku loollameen dhinacyada isku hayo maamulka magaaladaasi.
Dagaalka oo billaawday aroortii hore ee shalay ayaa sababay khasaara xooggan oo soo gaaray dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah intaba.
Sida ay wararku sheegayaan ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen ee weerarka qaaday ayay u suurtagashay in ay lawareegaan inta badan xaafadaha magaalada Baydhabo waloow markii dambe ay dib uga gurteen magaalada.
Sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen maanta duhurkii ayuu dagaalku istaagay kadib markii ay xoogaggii weerarka soo qaaday ay dib ugurasho sameeyeen, muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada Laftagareen oo lawareegay xaafadaha ugu muhiimsan magaalada.
Afhayeenka rasmiga ah ee maamulkii hore ee Laftagareen oo galabta shir jaraa'id qabtay ayaa faah faahiyay sidii ay wax udhaceen waxa sababay in ciidamadoodu ay dib uga baxaan magaalada, ugu horreyn wuxuu sheegay in ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalkii maanta ayna ku sigteen in ay lawareegaan madaxtooyada.
Sababta ay dib uga baxeen magaalada ayuu ku sheegay diyaaradaha Turkiga ee loo yaqaan F16 oo duqeymo aan kala sooc laheyn ku billaabay xaafadaha shacabka iyo masaajidda taasna ay ku qasabtay in ay dib ugurasho sameeyaan iyagoo unaxaya dhibaatada saa'idka ah ee ka dhalanaysa duqeymahaasi.
Dhinaca kale khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ayaa sii kordha, DF-ka iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa weerarkii Baydhabo ku waayeen saraakiil sarsare waxaana kamid ahaa taliyihii guutada 8aad Col.Axmed Dheere iyo 10 katirsan ilaaladiisa kuwaas oo dhintay dagaalkii maanta.
Taliyaha guutada 8aad ayay si aad ah isugu dhowaayeen Cabdulqaadir Jaamac oo ah guddoomiyaha baarlamaanka DF-ka.
Dagaal sedaxdii bishaan ka dhacay Baydhabo ayaa lagu dilay Daahir Macallin Xasan oo ahaa madaxii ilaalada Aadan Madoobe,sidoo kale dagaal duleedka magaalada ka dhacay 14 May 2026 ayaa sababay dhimashada saraakiishii ugu muhiimsanaa ciidanka DF-ka ee gobolka Baay kuwaas oo kala ahaa Yoonis Aadan iyo Cali Caddoow.
