Maxaa kasoo kordhay dagaalka Itoobiya, maxayse yihiin filashooyinka gobolku?

Tuesday September 29, 2026 - 16:28:35
MeMO Staff
Milatariga Itoobiya iyo maleeshiyaad xulafo la ah ayaa isniintii shalay qabsaday magaalada istaraatiijiga ah ee Alamata oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Tigray ee Mekelle, sida ay warbaahinta caalamka u xaqiijiyeen maleeshiyaad daacad u ah maamulka Addis Ababa.
Muuqaal ay wakaaladda wararka ee Reuters xaqiijisay ayaa muujinaya askar dhex socota Alamata, iyagoo sita calanka Itoobiya. Ilo-diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in magaalada ay gacanta dowladda ku dhacday, halka ilo xiriir la leh ciidamada mucaaradka ay sheegeen inay dib u gurteen.

Koox hubaysan oo ay ku jiraan dagaalyahanno Tigray ah oo la safan dowladda federaalka, ayaa bayaan ay Facebook ku soo saareen maalinnimadii shalay ku sheegay inay magaalada Alamata la wareegeen iyagoo kaashanaya ciidamada federaalka.

Dagaallada ayaa toddobaadkii la soo dhaafay si xooggan uga qarxay waqooyiga Itoobiya, kaddib markii ay dib u soo cusboonaadeen colaadaha u dhexeeya dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Jabhadda TPLF oo kaashanaysa maleeshiyaad ay gacan-saar leeyihiin.

Dagaalladan ka socda Tigray iyo gobollada deriska la ah ee Amxaarada iyo Canfarta ayaa muujinaya burburka heshiis nabadeed oo jilicsanaa, kaas oo afar sano ka hor soo afjaray mid ka mid ah colaadaha ugu dhimashada badnaa ee Afrika ka dhacay sannadihii u dambeeyay, waxayna kordhinayaan walaaca laga qabo in dagaalku sii ballaarto.

Alamata waa magaalo muhiim ah, maadaama ay ku dhowdahay xadka koonfureed ee Tigray uu la wadaago gobolka Amxaarada,. Sidoo kalena magaaladu waa xarun sahay oo ciidamada laga siiyo shidaal iyo raashin. Qabsashada magaalada ayaa ciidamada dowladda u sahli karta inay dhanka waqooyi ugu sii gudbaan caasimadda Mekelle.

Ilo militari ayaa Al Jazeera u sheegay in ciidamada dowladdu ay horey-ba u sii gudbeen, ayna ku wajahan yihiin caasimadda Tigray ee Mekelle.

Dhanka kale, TPLF ayaa dhammaadkii toddobaadkan qabsatay Erebti, oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ku taalla gobolka Canfarta, sida uu sheegay taliye ka tirsan ciidamada Itoobiya oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press, kaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Sidoo kale maleeshiyaadka Tigreega balse raacsan ciidanka federaalka ayaa iyaguna xaqiijiyay in Erebti ay gacanta TPLF ku dhacday. Iyadoo duullaanka ka socda gobolka Canfarta la sheegay inuu halis gelin karo waddooyinka sahayda ee ka yimaada Jabuuti, kuwaas oo inta badan Itoobiya uga soo gudbaan badeecadaha ay dibadda ka soo dejisato, oo uu shidaalkuna ku jiro.

Dalal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Ruushka iyo sidoo kale ururro ay ka mid yihiin waxa loogu yeero Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujinaya dagaallada dib uga soo cusboonaaday waqooyiga Itoobiya.

Cameron Hudson, oo ah falanqeeye siyaasadeed iyo amni, isla markaana horey uga tirsanaan jiray CIA-da, xilal kalena kasoo qabtay dowladda Maraykanka ayaa Majaladda Itoobiyaanka ah ee The Reporter: uga warramay dagaalka ka socda Itoobiya iyo waxyaabaha keenaya walaaca ay muujinayaan dalalka reer-galbeedka.

Geeska Afrika wuxuu hadda leeyahay muuqaal siyaasadeed oo aad u cakiran, sida uu sheegay Cameron Hudson, isagoo isbahaysigii dhawaan ay ku dhawaaqeen jabhadaha Itoobiya ku tilmaamay bastoolad bilow ah oo horseedi karta dagaal sokeeye oo Itoobiya ka qarxa.

Waxa kale oo uu tilmaamay in suuro-gal ay tahay in xaaladdu isku beddeli karto dagaal goboleed ballaaran, kaas oo ay ku milmi karaan ayuu yiri colaadaha ka holcaya Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin dagallada ka socda Suudaan iyo Soomaaliya.

Mar ay majaladda The Reporter waydiisay, sababta ay colaadda ka holcaysa gudaha Itoboiya ay saamayn ugu yeelan karto xaaladda Soomaaliya, ayaa Cameron Hudson uu sheegay, in damaca marin-badeed ee Itoobiya oo ay ka mid tahay qorshayaasha ku saabsan Somaliland uu qayb ka yahay loollanka iyo xisaabta siyaasadeed ee gobolka.

Sidaas darteed ayuu sheegay in hadafka dowladda Xabashida Itoobiya ee ah inay ballaariso waddooyinka ganacsiga iyo inay xoog ama xeelad mid uun ku hesho marin-badeed joogto ah ee qodobka ugu weyn ee xiriirka iyo xaaladda gobolka, kaas oo si toos ah u saameyn kara Soomaaliya.

Xiriirka dhaqaale iyo amni ee Itoobiy iyo Maraykanka ayuu sheegay in uu sii xoogaysanayo, balse waxa uu ka digay khataro uu tilmaamay in xiriirkaasi uu wajayo, maadaama ayuu yiri colaadaha iyo xasillooni-darradu ay kusii kordhayso gobolka.

Dowladda Maraykanka, gaar ahaan safiirkeeda u fadhiya Addis Abababa ayuu ku eedeeyey inuu si buuxda u garab istaagay maamulka Abiy Axmed, Tigreegana dusha looga saaray mas’uuliyadda colaadda, arrintaas oo uu ku sifeeyey fikrad aan ku qotomin aragti fog.

Cameron isagoo arrintan ka hadlaya waxa uu yiri "Ma dhahayo Tigraygu mas’uuliyad weyn kuma laha xaaladda, laakiin waxaan qabaa inay muhiim tahay in si muddo dheer ah loo eego isbeddelladii siyaasadeed ee dhacay, sida heshiiskii Pretoria loo hirgeliyay muddooyinkii ka dambeeyay, iyo sababta Tigraygu maanta u qabo cabashooyinka iyo niyad-jabka intaas le’eg.”

Waxa uu Cameron si cad u sheegay in waxa hadda muuqdaa ay yihiin taageerada bareerka ah iyo garab-istaagga uu Maraykanku u muujiyey dagaalka Itoobiya, ama ugu yaraan uu taageerayo dadaalka dowladda ee loogu hor-tgagayo dagaal, kacdoon ama wax kasta oo loogu yeero karo colaaddan.

Saraakiisha ugu sarraysa taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM oo bilihii u dambeeyey dhowr jeer ku laalaabtay Itoobiya ayuu sarkaalkan ka tirsanaan jiray CIA-du uu tilmaamay in qayb ka mida socdaalladaasi loo arki karo inay xiriir la leeyihiin colaadda ka holcaysa gudaha Itoobiya.

"Washington ma waxay si dadban u fududaynaysay colaadda hadda kasoo ifbaxaysa gudaha Itoobiya…” Su’aashaas ayuu Cameron ku tilmaamay mid is-weydiin mudan. Waxaanu intaas kusii daray oo uu yiri "Ma laga yaabaa in mowqifka Washington uu si dadban u fududeeyay in dowladda Abiy ay sii waddo tallaabooyinkii militari ee ay qaaday bilihii u dambeeyay, oo ay ku jiraan weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay Tigray, Amxaarada iyo Oromia?”

Cameron Hudson wuxuu sheegay in haddii Washington horey u go’aansatay inay si buuxda u taageerto dowladda Itoobiya, ay suurtagal tahay in xiriirka iyo iskaashiga ay AFRICOM la yeelatay ciidamada Itoobiya uu qayb ka ahaa istiraatiijiyaddaas.

Waxa kale oo uu ka sanqariyey in Washington aysan si cad oggolaansho ugu siin Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inuu dagaal qaado, balse hadallada ay sheegtay iyo arrimaha ay ka aamustay, ay dowladda Itoobiya siin karaan farriin ku filan oo ay ku fahmi karto in tallaabooyin militari la qaadi karo iyadoo aan laga baqayn cawaaqib weyn oo uga yimaada Mareykanka.

Washington ayuu sidoo kale sheegay inay horey u taageertay dowladda Xabashida Itoobiya, gaar ahaan xilligii Meles Zenawi, ee Addis Ababa ay ku duushay Soomaaliya. Waxaanu muujiyey inuu ka walaacsan yahay in Washington taageero noocaas ah mar kale u fidiso Addis Ababa.

Jettul Tonvol oo ku takhasusay cilmiga nabadda iyo colaadaha waxna ka dhiga jaamacad ku taal Norway, ayaa waraysi uu siiyey mid ka mida idaacadaha Australia ku faahfaahiyey sida ay colaaddani uga duwan tahay dagaalladii hore ee ka dhici jiray Itoobiya, maadaama jabhadaha hubaysani ay u midoobeen sidii xukunka looga tuuri lahaa R/Wasaare Abiy Axmed.

"Colaaddani si weyn ayay uga duwan tahay xaaladihii hore maadaam isbahaysiga iyo TPLF ay sheegeen inay ujeeddadoodu tahay inay u gudbaan Addis Ababa, xukunka dowladdana meesha ka saaraan, kadibna ay dhisaan dowlad ku-meel-gaar ah. Sidaas darteed, tani waxay u muuqataa ayaa la oran karaa wareeg cusub oo cad, oo ah dagaal sokeeye iyo ujeeddo lagu doonayo in dowladda la beddelo.” Ayuu yiri Tonvol.

Mar la waydiiyey, su’aal ahayd, ma u malaynaysaa in colaaddan cusub ee kasoo cusboonaatay gobolka Tigrey ay ku fidi karto meelo ka baxsan xuduudaha Itoobiya? Ayuu Tonvol uu ku jawabay "Waxaan u malaynayaa inay taasi durba dhacday. Itoobiya waxay Eritrea ku eedaynaysaa inay maalgeliso oo taageerto isbahaysigan, aniguna waxaan arrintaas ka hayaa xog aan shakhsiyan helay, taasoo xaqiijinaysa in Eritrea ay ku lug lahayd taageeridda Fano iyo TPLF labadaba labadii sano ee la soo dhaafay. Isla waqtigaas, dagaalka sokeeye ee Suudaan wuxuu, sida aan dhihi karo, si aad ah ugu xiran yahay waxa Itoobiya ka dhacaya,….”

Waxaanu intaas sii raaciyey "Marka la eego in TPLF iyo Eritrea ay taageerayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan, halka Itoobiya lagu eedaynayo inay taageerto maleeshiyaadka RSF. Sidaas darteed, labada dhinac waxay sidoo kale ku kala jiraan dhinacyo iska soo horjeeda oo isku waafaqsan loollanka ka socda dagaalka Suudaan. Sidaas awgeed, colaaddani durba way ku fidaysaa meelo kale, waxayna leedahay awood ay mustaqbalka ugu soo jiidato dalal kale oo intaas ka badan.”

Geesta kale maqaal maanta lagu qoray mid ka mida wargeysyada ugu waaweyn Yahuudda ayaa lagu sheegay in dagaalka Itoobiya uusan ku koobnayn oo kaliya khilaaf gudaha ah, balse uu sidoo kale ku xiriirsan yahay loollan ballaaran oo ku saabsan Geeska Afrika, Badda Cas, dekedaha iyo damaca marin-badeed ee Itoobiya iyo sidoo kale xiriirka Itoobiya la leedahay Imaaraadka, Yahuudda iyo Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences