Gobolka Wajeer oo ka mida dhulka Kenya ay xoogga ku haysato, iyo saddexda gobol ee kala ah Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Bakool waxaa sacaadihii lasoo dhaafay ka dhacay hawl-gallo kala duwan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Gobolka Bakool, dagaalyahannada Al-Shabaab waxay maanta hawl-gal qarax ah oo ka geysteen deggaanka Qurac Joomo.
Sida ay xogtu tibaaxayso, qaraxan ayaa lala eegtay guri ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka kaba-qaadka u ah.
Inta la xaqiijiyey, ugu yaraan 1 askari oo Itoobiyaan ah iyo 3 askari oo maleeshiyaad ah ayaa lagu dhaawacay qaraxan.
Waxa kale oo sida ay xogtu sheegtay qaraxaasi ku burburay gurigii lagu qarxiyey askartan Itoobiyaanka iyo daba-dhilifyada isugu jirtay.
Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay hawl-gal qarax ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baladweyne.
Qaraxan ayaa lagu weeraray bar kantarool oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Villa Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sirdoonka ee loo yaqaan NISA.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka la weeraray.
Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa isna maalinnimadii shalay ka dhacay hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiintu ay ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar.
Sida ay sheegayaan wararku, qaraxan ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Villa Soomaaliya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhaawaca ugu yaraan 3 askari, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Cey Ibraahim Dhagaweyne, Axmed Deer Garas iyo Maxamuud Dhuubow.
Gobolka Wajeer, waxaa isna ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee degmada Qorof Xaraar.
Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
