Maleeshiyaad hubeysan oo isku fidiyay bariga magaalada Beledweyne.

Tuesday September 22, 2026 - 07:46:03
MeMO Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan ay dhaqdhaqaaqyo xooggan ka billaabeen bariga magaalada Beledweyne halkaas oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin mucaaradsan maamulka Hirshabelle iyo kooxda Villa Soomaaliya.
Boqolaal maleeshiyaad ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isku fidiyay inta badan xaafadaha bariga magaalada waxayna baaritaanno ku sameeyeen xarumo waxbarasho, kuwo maamul iyo guryo gaar loo leeyahay oo ay uga shakiyeen in laga qorshaynayo qabashada waxa loogu yeero doorashada Hirshabelle.

Saraakiisha hoggaaminaysa maleeshiyaadkan ayaa warbaahinta u sheegay in ay fulinayaan amarkii Yuusuf Dabageed ee ahaa in aan wax doorasho la dhaho aan lagu qaban doonin gobolka Hiiraan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka diiddan Cali Guudlaawe ay rasaas ku furayaan waddooyinka waxayna shacabka ugu baaqayaan in aysan ku dagmin doorashada maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle.

Xiisadahan oo ah kuwa siyaasadeed ayaa yimid maalmo kadib markii ay Yuusuf Dabageed ku xigeenkii Cali Guudlaawe iyo Sanbaloolshe ku dhawaaqeen in ay isaga baxeen maamulka isku magacaabay Hirshabelle iyagoona eedaymo kulul ujeediyay Xasan Gurguurte madaxweynaha kooxda Villa Soomaaliya.

30-ka bishaan ayaa la filayaa in waxa loogu yeero doorashooyinka maamulka Hirshabelle ay ka qabsoomaan degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaana laga cabsi qabaa in isku dayadaas ay rabshado hareeyaan.

FG: Kusoo biir barta xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay X/Twitter:

Related Items

Update cookies preferences