Toddobada kooxood oo isugu jira ururro siyaasadeed iyo kuwa hubaysan ayaa gelinkii dambe ee maanta gudaha Itoobiya kaga dhawaaqay isbahaysi cusub oo loogu magac daray "Iskaashiga Ciidamada ee Badbaadada Shacabka Itoobiya" kaas oo ay sheegeen inuu ujeeddadiisu tahay in si wadajir ah looga hortago xukuumadda Abiy Axmed.
Bayaan ururradani ay soo saareen ayaa waxay si weyn ugu eedeeyeen xukuumadda Addis Ababa, inay mas’uul ka tahay dagaallada, xasuuqqa, barakaca, saboolnimo iyo wax ay ku tilmaameen burburka sharciga iyo kala dambeynta ee ka jirta dalka Itoobiya.
Waxay sidoo kale ku dooddeen in Itoobiya ay ka gudubto xaalad dowladnimo oo weliba daciif ah una gudubtay wax ay ku tilmaameen burbur qaran. Waxaanay intaas ku dareen in maamulka Abiy Axmed uu khatar yahay jiritaanka dadka iyo midnimada dalka
Waxay ku tilmaameen nidaamka talada haya mid ay ku sheegeen "kaligii-talisnimo iyo xasuuq ku salaysan isir”, iyagoo sheegay inuusan awood iyo rabitaan u lahayn in la joojiyo dagaallada, la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta iyo in la soo celiyo nabad iyo kala dambeyn. Eedeymahan waa aragtida iyo mowqifka bayaanka.
Sidoo kale waxay ku tilmaameen nidaamka talada haya mid dikteytar ah oo dalka ka wada ayay yiraahdeen xasuuq isir-sifeyn ah iyagoo sheegay inuusan rabin in la joojiyo dagaallada, la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta iyo in la soo celiyo nabadda iyo kala-dambeynta.
Isbahaysiga waxaa ku mideysan sida lagu qeexay bayaanka oo soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka bisha September ee 2026, toddobada kooxood oo u badan jabhadaha ka dagaallama gudaha Itoobiya kuwaas oo kala ah:
1. Amxaarada Fano National Movement
2. Oromo Liberation Army (OLA)
3. TPLF – Tigray People's Liberation Front
4. Ogaden National Liberation Front (ONLF)
5. Afar Revolutionary United Front (UGUGUMO)
6. Benishangul People's Liberation Movement
7. Gumuz People's Democratic Movement
Bayaanku wuxuu sheegayaa in hadafka ugu weyn ee isbahaysigu yahay in si wadajir ah loola dagaallamo xukuumadda hadda jirta, kadibna la sameeyo dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay, taas oo lagu maamulayo Axdi ku-meel-gaar ah.
Waxay sheegeen in iskaashigan uu ka dhashay dadaallo iyo wada-xaajoodyo muddo socday, isla markaana ay doonayaan inay mideeyaan awooddooda si ay u furaan marxalad cusub oo dimuqraadi ah isla markaana ku-meel-gaar ah.
Qodobka ugu muhiimsan ee bayaanka ayaa ah in ururradu ay ku baaqayaan in la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay, kaddib marka ay meesha ka baxdo xukuumadda hadda jirta ee garwadeenka uu ka yahay Abiy Axmed.
Isbahaysigu wuxuu sidoo kale si gaar ah ugu baaqay ciidamada iyo saraakiisha dowladda Itoobiya inay ka baxaan waxa ay ugu yeereen nidaamka "halista ku ah jiritaanka shacabka”, ayna ku biiraan waxa ay ku tilmaameen "halganka lagu badbaadinayo shacabka iyo dalka”.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen xisbiyada siyaasadeed, ururrada bulshada rayidka ah iyo xoogagga kale ee Itoobiya inay ku soo biiraan iskaashiga haddii ay taageerayaan ujeeddooyinkiisa.
Kooxahani waxay dalalka deriska, kuwa Afrika iyo beesha caalamka ugu baaqeen inay taageeraan waxa ay ku tilmaameen "shacabka, caddaaladda iyo dimuqraadiyadda”, iyagoo sheegay in dowladda hadda jirta aysan aysan rabin in nabad iyo xasillooni ka dhaliso Itoobiya iyo Geeska Afrika.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
