Shirkadda Somcable, oo xarunteedu tahay Hargeysa, ayaa la sheegay inay isku dayayso in Berbera ay ka dhigto marin muhiim u ah isku-xirka internet-ka iyo xogta ee Geeska Afrika, iyo sida arrintaasi ula xiriiri karto himilooyinka Kenya ee ah inay noqoto xarunta dijitaalka ee Bariga Afrika.
Warbaahinta Nation Media Group, ayaa sheegtay in shir caalamiya oo usbuucii hore ka qabsoomay Nairobi looga hadlay arrimaha isgaarsiinta caalamka, kaas oo ay kasoo qayb-galeen shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya kaabayaasha dijitaalka iyo isgaarsiinta caalamka.
Shirkan oo loogu magac-daray ITW Nairobi 2026, waxaa ka hadlay Stephen Isaboke, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Kenya, kaas oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda sii kordhaysa ee xarumaha xogta (data centres).
Arrimaha ay awoodda saaraysay ee Kenya ay shirkaasi kusoo bandhigtay ayaa ahaa in ay doonayso inay sii ahaato marinka dijitaalka ee Bariga Afrika, balse waxa hoosta laga xariiqay in marin keliya ama waddooyin yar oo internet-ku maro ay abuuri karaan ciriiri iyo khatar marka ay cilladi dhacdo.
Sidaas darteed, warbixinta Nation Media Group waxay si gaar ah u xustay magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera, oo ay tilmaantay in ay noqon karto, marin kale oo kaabaya Mombasa, oo ah mid ka mid ah marinnada muhiimka ah ee dalka Kenya.
Somcable oo ka socotay Somaliland ayaa waxay shirka ITW Nairobi ku soo bandhigtay labada fiilo-badeed ee ku soo xirma Berbera oo kala ah 2Africa iyo PEACE, kuwaas oo Somaliland siinaya laba waddo oo kala duwan oo internet-ka caalamiga ah uu ku soo galo Geeska Afrika.
Waxa kale oo warbixintu sheegtay in Somcable ay sidoo kale leedahay shabakad fiber-optic ah oo dhulka marta (terrestrial DWDM network), taas oo loo qorsheeyay inay gaarto suuqyada ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.
Sidaas darteed, fikradda shirkaddu ma aha oo keliya ayay tiri warbixintu, inay magaalada Berbera keento bandwidth awood badan (gudbinta xogta), balse waa in Berbera lagu xiro shabakad dhulka ah oo gaarta ayaa la yiri dalalka aan bad lahayn.
Warbixintu waxay tilmaantay in faa’idooyin ganacsi ay arrintani u abuuri karto Kenya, sida tartanka iyo adkaysiga ganacsiga, ilaalinta xarumaha xogta ee Nairobi iyo sidoo kale caasimadda Kenya oo noqon karta xarunta ganacsiga dijitaalka.
FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:
