Majallad Maraykan ah oo soo bandhigtay caqabadaha ku hor gudban aqoosiga Somaliland.

Wednesday September 16, 2026 - 15:19:00
MeMO Staff
New Lines Magazine, oo ah majallad caalami ah oo fadhigeedu yahay Washington, ayaa warbixin ay maanta baahisay ku sheegtay in weli aysan caddayn fursadda ay Somaliland raadinayso ee ah in aqoonsi rasmi ah ay ka hesho dowladda Maraykanka.
Sida warbixintu ay xustay, Cirro iyo kooxdiisa oo 5-tii Sebtembar tegay Maraykanka, wuxuuna qorsheynayaa inuu inta bisha ka harsan ku sugnaado New York iyo Washington, isagoo doonaya inuu la kulmo xubno badan oo Congress-ka ah iyo saraakiil sare.
 
Waxa kale oo ay rajaynayaan kulan ay la yeeshaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ama Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, balse warbixintu waxay intaas raacisay in qabsoomidda kulannada labadan mas’uul weli aan la xaqiijin.
 
Qaar ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga ayaa taageeraya in Somaliland la aqoonsado. Iyadoo Congress-kana laga gudbiyey hindisayaal ku saabsan aqoonsiga Hargeysa iyo in loo fududeeyo helitaanka nidaamka maaliyadeed ee Maraykanka. Hase yeeshee, hindisayaashaas weli kama aysan gudbin heerka guddiyada Congress-ka, sida majalladdu ay xustay.
 
Doodda ka socota Washington waxaa qayb ka ah muhiimadda juqraafi-siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, xilli weerarrada Xuutiyiintu ay saameeyeen isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas.
 
News Line Magazine sida ay sheegtay, taageerayaasha aqoonsiga maamulka Hargeysa ayaa sidoo kale qaba in xiriir dhow oo lala yeesho Somaliland uu Maraykanka siin karo fursado dheeraad ah oo uu kaga hortago saameynta Shiinaha iyo khataraha amni ee gobolka.
 
Waxa kale oo majalladdu ka dhawaajisay in Somaliland ay Maraykanka u bandhigayso fursado istiraatiiji ah, oo ay ku jiraan dekedda Berbera, garoonka diyaaradaha iyo suurtagalnimada saldhigyo ama adeegyo ciidan, iyo sidoo kale khayraadka macdanta, sida lithiumka.
 
Doodda ku saabsan in Somaliland la aqoonsado ayay sheegtay warbixintu, in aysan ahayn arrin cusub oo Washington ka taagan. Kadib weerarradii 11-kii Sebtembar, xubno sare oo ka tirsanaa maamulkii Madaxweyne George W. Bush ayaa si dhab ah uga dooday arrinta aqoonsiga Somaliland, iyagoo u arkayay waddo lagu xakameyn karo faafitaanka Al-Qaacida ee Geeska Afrika.
 
"Xitaa sannadkii 2006 waxaa Aqalka Senate-ka Maraykanka lagu qabtay dhageysi gaar ah oo ku saabsan Somaliland. Hase yeeshee, ugu dambayntii Washington waxay dooratay inay sugto in Midowga Afrika hoggaamiyo arrinta, balse Midowga Afrika waligiis tallaabadaas ma qaadin…” ayay tiri warbixintu.
 
Bishii Oktoobar 2021, Heritage Foundation, oo ah xarun cilmi-baaris siyaasadeed oo garabka midig ah oo saameyn leh, ayaa soo jeedisay in Maraykanku aqoonsado Somaliland. Hase yeeshee, waxay ahayd weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 iyo dagaalkii Gaza ee ka dhashay oo si dhab ah Somaliland mar kale ugu soo celiyay indhaha Washington.
 
Joshua Meservey, oo ah qoraaga warbixintii Heritage Foundation ee 2021, ayaan hadalka Trump walaac weyn ka qabin. Wuxuu New Lines u sheegay:
 
"Somaliland weli waa arrin aan si weyn looga aqoon Washington, xitaa dadka ku howlan siyaasadda Afrika. Haddii aad qof caadi ah ama xitaa khubaro ka tirsan xarumaha cilmi-baarista ee Washington weydiiso inay Somaliland wax ka yaqaannaan, dad badan ayay u badan tahay inaysan aqoon badan u lahayn. Sidaas darteed, ma ahayn wax lala yaabo in Madaxweyne Trump sidaas uga hadlo. Waxa keliya ee jira ayaa ah in arrinta Somaliland aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin.”
 
Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka waxay weli aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, waxayna horey u sheegtay inay doonayso xiriir wanaagsan iyo fursado dheeraad ah oo wada-shaqeyn ah.
 
David Shinn, oo hore u ahaa safiirka Maraykanka ee Itoobiya, ayaa isna New Lines u sheegay: "Kadib aqoonsigii Israa’iil, waxaan u maleynayay in aqoonsiga Maraykanku uu aad u dhow yahay. Laakiin ma uusan dhicin. Hadda waxaan aaminsanahay in fursaddii ay dhaaftay.”
 
Diblomaasigan oo majalladdu sheegtay inuu muddada dheer ka tirsanaa adeegga diblomaasiyadda Maraykanka ayaa Senate-ka ka hor sheegay sannadkii 2006, isagoo ku doodday in Midowga Afrika uu marka hore aqoonsado Somaliland, arrintaas oo warbixintu xustay in weli uu aaminsan yahay.
 
Booqashada Cirro ee Maraykanka ee wakhti-xaadirkan wuxuu David Shinn u arkaa ayay tiri warbixintu, isku-daygii ugu dambeeyay ee Somaliland ay sameyneyso ka hor doorashada dhexe ee ka dhici doontaa waddanka Maraykanka.
 
"Haddii Jamhuuriyiintu lumiyaan Aqalka Wakiillada ama Senate-ka, taasi si aasaasi ah uma beddelayso awoodda Trump uu u leeyahay inuu aqoonsado Somaliland. Laakiin waxay hoos u dhigi doontaa saamaynta ay leeyihiin Jamhuuriyiinta taageersan Somaliland.”
 
Qodob kale oo ka hor imanaya aqoonsiga ayaa ah in Maraykanku uu saldhig weyn ku leeyahay Jabuuti ah, halka Puntland-na uu la leeyahay xiriir ciidan oo sii ballaaranaya. Sidaas darteed, qaar ka mid ah khubaradu waxay qabaan in Washington ay aqoonsi la’aan ka faa’idaysan karto Somaliland.
 
News Line Magazine waxa kale oo ay ka sanqarisay in aqoonsiga Somaliland uu dhaawici karo hawl-gallada ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah jihaadiyiinta Al-Shabaab. Isla markaana uu sidoo kale saamayn taban ku yeelan karo xasilloonida Itoobiya iyo Kenya.
 
News Line, waxay sheegtay in marka la eego habka go’aan-qaadashada ee maamulka Trump, oo inta badan ku xiran shakhsiyadda madaxweynaha isla markaana aan mar walba la saadaalin karin, kulan fool-ka-fool ah oo dhex mara Cirro iyo Trump ayaa weli horseedi kara isbeddel weyn oo arrintan ku saabsan.
 
Waxa kale oo warbixintu ka dhawaajisay in xannibaadda ay Xuutiyiintu ka sameeyeen isu-socodka badda ee ku wajahan Sacuudiga ay sidoo kale maamulka Somaliland siin karto fursad ay arrinteeda mar kale ku soo bandhigto.
 
Ilo Maraykan ah oo xiriir dhow la leh xukuumadda Somaliland oo majalladdu soo xigatay ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda Berbera u yeelan karto sahayda iyo dib-u-buuxinta agabka maraakiibta Maraykanka ee gobolka ku howlan roondooyinka.
 
Qorsheeyaasha ciidamada Maraykanka ayay warbixintu sheegtay inay raadinayaan ikhtiyaar ka jaban saldhigga Maraykanka ee dalka Jabuuti oo gobolka ka dhex jira. Berbera ayaa laga yaabaa ayay tiri warbixintu, inay buuxiso kaalintaas.
 
Shinn ayaa New Lines u sheegay in walaac xooggan uu ka qabo in haddii gobollo kale oo Soomaaliya ka tirsan ay raacaan tallaabada gooni-goosadka ah ee Somaliland, ay taasi xasillooni-darro ku abuuri karto dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya.
 
Michael Woldemariam, oo ku takhasusay amniga Afrika iyo arrimaha Geeska Afrika, kana tirsan Jaamacadda Maryland oo isna la hadlay News Line, ayaa walbahaar xooggan ka muujiyey masiirka dowladda federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in kala-daadasho ay qarka u saaran tahay.
 
 "Muuqaalka siyaasadeed ee maamulka Muqdisho muddo sannado ah waa uu sii xumaanayay,” ayuu yiri Michael Woldemariam, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata uu intaasi raaciyey "Soomaaliya waxay ku sii siqaysaa xaalad siyaasadeed oo aad u khatar badan.”
 
Ugu dambayn, sida Joshua Meservey, saadaaliyey weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Cirro, waxay u badan tahay ugu yaraan marxaladdan in Washington ay kala soo laaban doonaan xiriir iyo iskaashi dheeraad ah oo aan gaarsiisnayn aqoonsi rasmi ah. 

FG: Fadlan kusoo biir baraha xiriirka bulshada ee aanu ku leenahay:

Related Items

Update cookies preferences