Itoobiya oo qarka u saaran dagaalkeedii ugu balaarnaa uguna khasaaraha badnaa.

Sunday June 21, 2026 - 09:55:55
MeMO Staff
Wargeyska caalamiga ah ee The Africa Report ayaa sheegay in Itoobiya wajahayso isku-darka colaado gudaha ah, kacdoonno hubeysan iyo xiisado gobolka ah, isla markaana ay qarka u saaran tahay inuu ka qarxo dagaalkii ugu ballaarnaa uguna halista badnaa ee soo mara sannadihii u dambeeyay.
Warbixin cinwaan looga dhigay "Itoobiya oo qarka u saaran dagaalkeedii ugu balaarnaa uguna khasaaraha badnaa" ayuu wargeysku ku xusay, in wakhti-xaadirkan Itoobiya u muuqato inay galayso marxalad cusub oo dagaal ah oo marba marka ka dambaysa hubanti la’aanteedu ay sii kordhayso.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii Tigray, kaas oo markii dambe ku faafay gobollada deriska ah, Itoobiya waxaa lagu asteeyay ayay tiri warbixintu, isku xirnaansho sii kordheysa oo ka kooban dhibaatooyin is-barkan, kacdoonno hubeysan, iyo xiriirro goboleed oo cakiran.

Kadib Heshiiskii Pretoria, oo si ku-meel-gaar ah u soo afjaray colaaddii Tigray, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu diiradda militari u weeciyay inta badan gobolka Amxaarada.

Tan iyo markaas, Amxaaradu waxay wajahaysay qalalaase sii qoto dheeraanayay, siina murgaayey marba marka ka dambaysa, kaas oo sababay khasaare nafeed oo baaxad leh, barakac ballaaran, xadgudubyo daran oo xuquuqda aadanaha ah, iyo hoos-u-dhac dhaqaale oo sii xumaanaya.

Nidaamka Abiy Axmed tan iyo muddadaasi, wuxuu si isa soo taraysa ugu tiirsanaa tallaabooyin millateri, caga-jugleyn iyo xarig. Habkan oo walaac xooggan laga muujiyey ayaa sii xoojiyay cabashooyinka, dagaalka, wuxuuna dalka sii geliyay xasillooni-darro.

Doorashadii baarlamaanka ee 1-dii Juun ka dhacday Itoobiya ayay wargeysku ku sifeeyey mid iska ahayd uun astaan, oo wax isbedel ah aan la iman. Isla markaana ay sii wiiqday rajooyinkii koobnaa ee la qabay, siina adkaysay xaaladaha cakirn ee ka jira dalka.

Warbixintu waxay xustay in dagaalladii horey uga socon jiray Itoobiya ay ahaayeen kuwo xaddidan, balse haatan ay isku bedeleen dagaallo ay ku lug leeyihiin dhinacyo badan. Heshiiskii Pretoria isna ma uusan wax ka qaban siyaasaddii iyo qaab-dhismeedkii salka u ahaa xasillooni-darrada.

Inkastoo qulqulatooyinkii gobolka Tigrey ay yaraadeen, haddana waxay u guureen juqraafi ahaan meelo kale waxayna noqdeen kuwo aad u baahsan, joogto ah, isla markaana si weyn ugu tiirsan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Gobolka Amxaarada iyo degmooyinka Wollega ee Oromiya, Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Fano-da Amxaarada ayaa sii wada la-dagaallanka nidaamka, isagoo noqday mid isku dubbaridan isla markaana yareeyay dhulka ay dowladdu gacanta ku hayso.

Walow ay jireen hawl-gallo millateri oo sanado badan qaatay, haddana maleeshiyaadka Oromada ee OLA, waa ay kuwo ku xooggan gudaha gobolka Oromiya.

Dhanka kale, heshiiska siyaasadeed ee jilicsan ee Tigray waxaa kasoo if-baxaya calaamado muujinaya burbur, taas oo kordhinaysa halista dagaal ballaaran oo dib u qarxa, maadaama colaado ay dib uga billowdeen deggaannadaasi.

Xukuumadda Addis Ababa waxay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ku qaadday Tigray, iyadoo go’doomin ciidan-na gelisay gobolkaasi. Meel-na looma tixgelin karo mid ammaan ah, maadaama dagaal hubeysan uu saameeyey inta badan dalka.

Sida ay wargeysku xusay, dagaalka ballaaran ee ka holcaya gudaha waddanka Suudaan ayaa sidoo kale sii cakiray amniga Itoobiya. Iyadoo warbixintu carabowday in colaaddaasi ay horseedday qulqulka hubka iyo daciifnimada maamulidda xuduudaha.

Khatarta ugu weyn ee marxaladdan waa isku mar ahaanshaha colaadaha. Xitaa iyada oo aanay jirin isbahaysi rasmi ah, kacdoonno badan oo firfircoon ayaa cadaadis wadajir ah saari kara hay’adaha dowladda. Iyadoo horumarradii ugu dambeeyay ay muujinayaan iswaafajin siyaasadeed iyo istaraatiijiyeed oo sii kordheysa oo u dhexeysa kooxaha kala duwan ee ka soo horjeeda dowladda.

In iskaashigaasi isu beddelo tallaabooyin isku dubbaridan iyo in kale wali lama hubo, balse suuragalnimadaas keliya ayaa lakab cusub ku kordhinaysa kakanaanta jawiga amniga Itoobiya. Maadaama isbahaysiyada noocaas ah uu jiro, waxay u muuqataa in dowladdu ay ku jirto xaalad walwal sare leh; cawaaqibta arrintaasina ay yihiin kuwo aan la iska indho-tiri karin.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in dowladda Itoobiya ay wajahayso cadaadis amni oo dhinacyo badan ka imanaya, taasoo keentay in awooddeeda iyo maamulkeedu daciifo. Sidaas darteed, ma aha kacdoonno gooni-gooni ah oo kaliya, balse waa dhibaatooyin isku xiran oo sii ballaaranaya, xakamayntooduna ay sii adkaanayso.

Sidoo kale wargeyska The Africa Report oo fadhigiisu yahay waddanka Faransiiska, ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in xiisadaha ka jira gudaha Itoobiya ay ku soo beegmayaan jawi goboleed oo horeyba aad u kacsanaa.

Xiriirrada Itoobiya ee dalalka deriska ah sida Eritrea, Suudaan, iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanaya ama weli ah kuwo aan xasilloonayn, taasoo sii adkaynaysa xaaladda amniga. Sidaas darteed, colaadaha Itoobiya ma aha oo keliya gudaha, balse waxay noqdeen kuwo si toos ah ugu xiran xiisado iyo saameyn goboleed oo ballaaran.

Itoobiya waxay taagan tahay meel aad u xasaasi ah, iyadoo si isa soo taraysa loogu tilmaamayo dal ay ka jiraan dagaallo is dul saaran iyadoo halista dagaal ka sii ballaaran ay soo dhowdahay, sida uu ka sanqariyey wargeyska The Africa Report.

Wargeysku waxa uu warbixintiisan kusoo gunaanaday, maadaama farqiga u dhexeeya kacdoonnada gudaha iyo juqraafi-siyaasadeedka gobolku uu sii yaraanayo, xaaladdu waxay suuragal ahaan horseedi kartaa dhicitaanka dowladda Abiy Ahmed.

FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:

Related Items

Update cookies preferences