Waxaa lasoo wariyey hawl-gallo kala duwan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolka Gaarisa ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya iyo gobolka Shabeellaha hoose.
Sida ay wararku tibaaxayaan kooxda shiicada ah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegtay waddada isku xirta Sanca iyo Taciz, iyagoo jaray waddada ugu muhiimsan ee ay sahaydu u marto ciidamada Sacuudigu taageero.
Safaaradda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku guul-darraysatay dedaal muddo bilo ah socday oo ay doonaysay inay ku kulansiiso madaxa kooxda Villa Soomaaliya Xasan Gurguurte iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ama Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda, Marco Rubio.
Jugta qaraxyo waaweyn ayaa habeennimadii xalay laga maqlay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in colaadda dib uga soo cusboonaatay gobolka Tigray ay ku faafto dalka oo dhan.
Diyaarad ay leedahay shirkadda Flydubai oo ka duushay Dubai kuna socotay Talaabiib ayaa Arbacadii maanta si degdeg ah ugu leexatay magaalada Tabuuk ee waqooyi-galbeed Sacuudiga, kadib markii la sheegay in isku dhac uu dhex maray labada duuliye ee diyaaradda.
La-taliyaha warbaahinta ee Safaaradda Eritrea ee Qaahira, Xabiib Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay in Eritrea aysan meesha ka saareyn suurtagalnimada dagaal ay la gasho Itoobiya, isla markaana ay diyaar u tahay inay iska difaacdo wixii weerar ah ee kaga yimaadda maamulka Abiy Axmed.
Ugu yaraan afar qof oo ka tirsanaa maleeshiyada qoomiyadda Dassanech ee Itoobiya ayaa lagu dilay iska horimaad dhex-maray iyaga iyo Ciidamada Kaydka Booliska Kenya ee gobolka Turkana ee waqooyi galbeed Kenya, sida ay boolisku sheegeen.
Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad taageersan dowladda ayaa sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo ay soo xigatay Reuters, waxay gudaha u galeen magaalada istiraatiijiga ah ee Alamata ee oo koonfur ka xigta caasimadda gobolka Tigray ee Makelle.