Sida ay wararku tibaaxayaan kooxda shiicada ah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegtay waddada isku xirta Sanca iyo Taciz, iyagoo jaray waddada ugu muhiimsan ee ay sahaydu u marto ciidamada Sacuudigu taageero.
Tallaabadan ayaa sare u qaadaysa suurtagalnimada in magaalada Taciz ay gacanta u gasho xoogagga Xuutiyiinta, kuwaas oo tan iyo Arbacadii shalay hawlgallo ka waday dhowr goobood oo ka tirsan gobolka guud ahaan iyo gaar ahaan magaalada Taciz.
Dagaallo culus ayaa laga soo sheegay bariga Taciz iyo Al-Turbah, oo ah xarunta degmada Ash-Shamayatayn ee koonfurta gobolka Taciz. Waxa kale oo kooxdu qaaday weerarro culus, iyadoo kusii siqaysa dhanka galbeedka iyo koonfur galbeed Taciz.
Dhinaca kale dowladda la aqoonsan yahay ee Yemen ayaa Khamiistii maanta sheegtay in ciidamadeedu ay dileen ugu yaraan 30 askari oo Xuutiyiin ah, tobannaan kalena ay dhaawacmeen, kadib dagaallo culus oo ka dhacay dhow aag oo ka tirsan gobolka Taiz ee koonfur-galbeed Yemen.
Ilo militari ayaa wakaaladda wararka rasmiga ah ee Yemen ee Saba u sheegay in ciidamada dowladda ay Khamiistii maanta ay dagaallo culus dhowr jiho oo gobolka Taiz ah kula galeen kooxda Xuutiyiinta ee gacan-saarka la leh dowladda shiicada Iiraan.
