TPLF oo isaga baxday Maqalla iyo Ciidanka Itoobiya oo kaabiga ku haya magaalada.

Saturday October 03, 2026 - 14:08:57
MeMO Staff
Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ugu weyn ee magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, sida maanta oo Sabti ah ay Reuters kasoo xigatay ugu yaraan saddex ilo-wareed.
Tallaabadan ayaa dhabar-jab weyn ku noqonaysa isbahaysiga mucaaradka ee gacanta ku haya deegaankaas. Waxaana laba ka mid ah ilo-wareedyadaasi sheegeen in ciidamada Itoobiya ay dib ula wareegeen Garoonka Diyaaradaha Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle.

Ilo-wareedka saddexaad oo ah qof deggan Mekelle, kaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni awgood, ayaa isna xaqiijiyay in ciidamada dowladdu ay qabsadeen garoonka. Wuxuuna intaas ku daray inay maqleen rasaas laga ridayo meel ka baxsan bartamaha magaalada.

Ilo-wareedkan ayaa sheegay inuu arkay qaar ka mid ah dagaalyahannada TPLF oo ka baxay goobihii ay ku sugnaayeen, una dhaqaaqay guryahooda. Waxa kale oo uu sheegay in magaalada ay ka bilaabantay bililiqo lagu hayay xarumaha dowladda.

Sidoo kale Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa weriye maxalli ah iyo dad deegaanka ku sugan, ayaa ku warrantay in gelinkii hore ee Sabtidii maanta ay TPLF bilowday ka-bixista Mekelle, xilli maleeshiyaadka dowladda taageersan ay ku sii siqayeen magaalada.

"Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa ka baxaya Mekelle,” ayuu yiri weriyuhu, iyadoo AFP ay intaas ku dartay in la faaruqiyey oo ay haawanayaan xafiisyadii dowladda iyo sidoo kale saldhigyadii booliska.

Si kastaba, ilo ku dhow TPLF ayaa Reuters u sheegay in magaalada Mekelle ay hareereeyeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad xulafadooda ah.

Garoonka diyaaradaha Mekelle wuxuu qiyaastii 10 kiiloomitir u jiraa bartamaha magaalada. Wuxuuna ka mid ahaa saddex garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Tigray oo ay xoogagga mucaaradku la wareegeen bilowgii dagaallada, ee 23-kii Sebtembar.

Haddii ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen Mekelle, waxay tallaabadaasi dhabar-jab weyn ku noqonaysaa isbahaysiga mucaaradka, inkastoo falanqeeyayaashu ay sheegayaan in aysan u badnayn inay soo afjarto colaadda.

Related Items

Update cookies preferences