FAAH-FAAHIN: Qaraxyo laga maqlay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Thursday October 01, 2026 - 14:00:10
MeMO Staff
Jugta qaraxyo waaweyn ayaa habeennimadii xalay laga maqlay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in colaadda dib uga soo cusboonaatay gobolka Tigray ay ku faafto dalka oo dhan.
Ilo ku dhow isbahaysiga mucaaradka ee tan iyo toddobaadkii hore ciidamada dowladda kula dagaallamayay waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in isbahaysigu uu dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka ay ku qaadeen Addis Ababa.

Weerrradan ayay sheegeen in qaarkood lagu bartilmaameedsaday xarunta taliska ciidamada Itoobiya, inkastoo afhayeenno u hadlay xafiiska RW Abiy Axmed, dowladda federaalka iyo ciidanka millatarigu ay ka gaabsadeen ka-jawaabista faahfaahinno la xiriira arrintan oo ay codsatay Reuters.

Ilaha xogtan laga soo xigtay, oo faahfaahin kooban ka bixiyey qaraxyada, ayaa Reuters ka codsaday inaan magacyadooda la shaacin, maadaama arrintu xasaasi tahay.

Hay’adda sirdoonka dowladda Xabashida Itoobiya ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday inay sababo amni awgood u mamnuucday duullimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dul-mara caasimadda Addis Ababa iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada mucaaradka ayaan hore loogu aqoon inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan, balse waxaa sii kordhaya caddeymaha muujinaya inay yeelan karaan awood noocaas ah.

Haddii weerarkan la xaqiijiyo, waxa uu noqonayaa hawl-galkii ugu horreeyey ee inta la ogyahay kooxaha mucaaradku ay u adeegsadaan Drone kuna qaadaan caasimadda Itoobiya, oo boqolaal kiiloomitir u jirta goobaha dagaalka ee gobollada waqooyi ee Tigray-ga, Amxaarada iyo Canfarta.

Edward Bach, oo ah falanqeeye sare oo Afrika ah ayaa sheegay in haddii mucaaradku awood u yeesho inuu Addis Ababa weeraro ay taasi noqon doonto isbeddel weyn meeshana ka saarayso sheegashada dowladda ee ah in caasimaddu aysan saameyn ku lahayn dagaallada.

Dhinac kale ciidamada dowladda federaalka ayaa la sheeagy in ay kasii gudbayaan koonfurta Tigray, iyagoo ku sii dhowaanaya caasimadda gobolka ee Mekelle, halka isbahaysiga mucaaradku uu magaalooyin ka qabsaday gobolka deriska la ah ee Canfarta.

Mas’uul ka tirsan is-maamulka Canfarta ayaa maanta oo Khamiis ah Reuters u sheegay in ciidamada federaalka iyo kuwa gobolku ay dib ula wareegeen magaalooyinka Erebti iyo Abaala oo ka tirsan gobolka Canfarta, kuna dhow xad-beenaadka Tigray.

Related Items

Update cookies preferences