Hawl-gallo kala duwan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa sida lasoo wariyey saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Banaadir, Bakool iyo Mudug.
Gobolka Bakool, waxaa ka dhacay weerar culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Waajid.
Gobolka Mudug, waxaa isna ka dhacay hawl-gal qarax ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen inta u dhaxayso degmada Xarardheere iyo deegaanka Ceelhuur.
Qaraxan ayaa lala eegtay maleeshiyaad halkaasi maraayay, waxaana sida la xaqiijiyey qaraxaasi ku naf-waayay sarkaal Miina-baare ahaa.
Gobolka Banaadir, hawl-gal qarax ah ayay sidoo kale jihaadiyiintu ka fuliyeen deggaanka Tareedisho ee duleedka caasimadda Muqdisho.
Sida ay xogtu tibaaxayso, qaraxan ayaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Gurguurte, waxaana dhaawacay ugu yaraan 3 askari.
Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.
