Xaalada Itoobiya iyo wadamada geeska ayaa sii xumaaneysa xilli Qaahira iyo Asmara ay mowqif isku mid ah ka qaateen dhanka Addis Ababa dhinacyaduna ay is dhaafsadeen digniino iyo inuu mid walba ceyriyey safiirkii Itoobiya u fadhiyey dalkiisa Addis Ababana ay qaaday talaabo midaasi lamid ah.
Saacadihii lasoo dhaafay markii ay talaabooyinkaas dheceen waxaa sidoo kale xoogeysatay xiisada gudaha Itoobiya, waxaa lagu soo waramayaa in dhaqdhaqaada Koonfurta dalka ka socda uu sii lixdaasdanayo, iyadoo diyaarad nuuca darooniska ah xitaa lagu qarxiyey caasimada Addis Ababa.
Xaalada siyaasadeed iyo mida colaadeed ee Itoobiya waxaa durbadiiba kasoo baxaya digniino culus iyo iney ururada ay muujiyaan walaac ku saabsan iney markale arkaan xaalad lamid ah midii 2020 ilaa 2022 oo uu dhiig badan ku daatay waxyaabo badana lagu waayey.
Waxaa xusid mudan in Midowga Afrika uu walaac ka muujiyay kororka ku yimid xiisadda u dhaxeysa Itoobiya, Eritrea iyo Masar, ka dib markii Itoobiya ay ugu horeyntii qaaday tallaabooyinka ay ku ceyrineysay diblumaasiyiintii Eretariya iyo Masar u fadhiyey dalkeeda.
Warsaxaafadeed xalay kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in xaaladu ay faraha kasii baxayso isla markaana loo baahanyahay in laga gaaro inta aysan wax waliba noqon kuwa ka baxa xadka faragalinta.
Waxaana nuqul kamid ah qoraalka midowga lagu yiri "Kororoka xiisada waxaan ka qabnaa dhab ahaanti walaac wayn, sidaasi daraadeed waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada oo dhan inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, kana fogaadaan tallaabo kasta oo xiisadda sii kordhin karta.”
Si kastaba ha ahaatee xiisada gobolka geeska ayaa u muuqata mid waji cusub yeelan karta bilooyinka soo aaddan hadii ay sidan wax kusii socdaan, dhinacyada garabtaagan isbaheysiga cusub ee Itoobiya ka curtay ee ay ku mideysanyihiin kooxihii kala duwanaa ee gudaha ka jiray ayaana hada u muuqda iney sii dardargalinayaan talaabadaas, midaas oo falanqeeyaashu ay sheegayaan in dagaal lagu hilboobo mooyee aysan soo dabaalin doonin wax deganaan ah.
