Khasaaraha weerarro lagu qaaday ciidamada Kenya iyo askarta Gurguurte.

Saturday October 03, 2026 - 09:28:07
MeMO Staff
Waxaa lasoo wariyey hawl-gallo kala duwan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolka Gaarisa ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya iyo gobolka Shabeellaha hoose.
Gobolka Gaarisa, waxaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Dhaashooy ee degmada Faafi.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, weerarkan oo ahaa mid culus ayaa lagu dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayay jihaadiyiintu ku gubeen teendho ay sahay ugu kaydsanayd ciidamada Kenya.

Gobolka Shabeellada hoose, waxaa isna ka dhacay habeennimadii jimcaha, weerar ay jihaadiyiintu ku qaadeen maleeshiyaadka Gurguurte ee ku sugan Afgooye.

Jihaadiyiinta ayaa weerarkan si gaar ah ugu ekeeyey saldhigga ay magaaladaasi ku leeyihiin askarta Villa Soomaaliya, kuwaas oo la xaqiijiyey in khasaare kala duwani uu soo gaaray.

Weerarradan ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

Related Items

Update cookies preferences