Wararka ka imanaya koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gallo kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ay Jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose.
Sida ay wararku tibaaxayaan, maalinnimadii shalay saddex qarax ayaa lagu weeraray kolonyo ciidamo Afrikaan ah oo ka baxay degmada Baraawe.
Qaraxyadan oo sida la sheegay ka dhacay inta u dhexeysa tuullooyinka Ababaay iyo Rooboow ayaa haleelay gaari Taw ah iyo mid kale oo ahaa nooca xamuulka ah iyo sidoo kale ciidan lug ah.
Ilo-wareedyada aanu weerarkaasi ka helnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ay jiraan khasaare kala duwan oo soo gaaray askarta Uganda.
Dhanka kale, waxaa jira weerar culus oo jihaadiyiintu ku qaadeen xeryaha ciidamada Midowga Afrika ee deggen degmada Buulo Mareer iyo deegaanka Golweyn.
Isla gobolka Shabeellaha hoose, waa maanta baraqadii ka dhacay weerar culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku ekeeyeen xerada ciidanka DF Soomaaliya ee deggaanka Bariire.
