SAWIRRO: Imaarada Islaamiga Afghanistan oo tababar casri ah usoo xirtay guutooyin ciidan ah.

Monday November 16, 2026 - 17:16:57
MeMO Staff
Wasaaradda Gaashaandhigga Imaarada Islaamiga Afgaanistaan ayaa magaalada Kabul ku qabatay 11-kii Nofeembar 2026 munaasabad lagu qalin-jabiyay 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska, kuwaas oo dhammaystay tababar socday muddo lix bilood ah, kana koobnaa tababarro ciidan, xirfadeed iyo mabda'yeed.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga, Mowlawi Maxamed Yacquub, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mowlawi Sirajudiin Xaqaani, iyo saraakiil iyo diblomaasiyiin shisheeye.

Waxaa sidoo kale la soo bandhigay dhoolatus ciidan oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada gaarka ah iyo kuwa cirka, iyadoo la adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones).

Dhoolatuskan ayaa ku soo beegmaya xilli Imaarada Islaamiga ah ay dadaal ugu jirto dhismaha ciidan qaran oo nidaamsan, iyadoo dhinaca kale uu jiro xiisad joogto ah oo kala dhexeysa Pakistan.

Ciidankan ku qalabaysan diyaaradaha casriga ah ee Drones-ka ayaa larumeysanyahay in uu wax weyn katari doono awoodda nidaamka islaamiga ah ee ka hanaqaaday wadanka Afghanistan.

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Yacquub ayaa sheegay in Afgaanistaan ay xaq u leedahay inay horumariso awooddeeda difaac, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi aysan ahayn mid lagu bartilmaameedsanayo dalalka deriska ah. Hadalkan ayaa loo arkaa farriin siyaasadeed oo si gaar ah ugu socota Pakistan.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Sirajudiin Xaqaani ayaa sheegay in dib u dhigista jawaabta laga bixinayo weerarrada ka dhanka ah Afgaanistaan aysan ka dhignayn in dalka laga tanaasulay difaaciisa, balse jawaabtu imaan doonto waqtigeeda.

Related Items

Update cookies preferences