Dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa Axaddii shalay la kulantay dib-u-dhac weyn, kaddib markii ay ciidamadeedu ka baxeen marin-biyoodka Baab al-Mandab, taas oo keentay in Xuutiyiintu ay si buuxda ula wareegaan gacan-ku-haynta marin-biyoodkaas.
Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa muddo lix toddobaad ah Xuutiyiinta kula dagaallamaysay gacan-ku-haynta marin-biyoodkaas. Hase yeeshee, ciidamadeeda ayaa dib u gurtay, iyagoo xoogga saaraya, sida ay sheegteen difaaca saldhiggooda ugu weyn ee magaalada Cadan.
"Tallaabadan waxaa loo qaaday iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo sugidda amniga caasimadda Cadan iyo gobollada deriska la ah, xoojinta jiidaha hore ee dagaalka iyo wax ka qabashada khataraha jira," ayay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ku sheegeen bayaan ay soo saareen.
Geesta kale, Xuutiyiinta ayaa sida lasoo warinayo kusii siqaya magaalada Cadan oo caasimad u ah dowladda la aqoonsan yahay ee Yemen. Waxaanay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in kooxdani ay qiyaastii 60 KM u jiraan bartamaha magaalada Cadan.
Waxa kale oo Xuutiyiintan gacan-saarka la leh dowladda Shiicada Iiraan, ay sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay horumar ka sameeyeen gobolka Laxaj ee koonfurta Yemen, iyagoo la wareegay degmooyinka Al-Muqaatirah iyo Al-Mudaaribah.
Xuutiyiinta oo tallaabooyinkani ay guullo waaweyn u yihiin, ayaa dhinaca kalena waxay weli khatar ku hayaan maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Baab al-Mandab. Sacuudigu wuxuu inta badan maraakiibtiisa shidaalka qaada u weeciyay marin-biyoodkan, kaddib weerarradii Iiraan ee ka dhacay marin-biyoodka Hormuz.
Marin-biyoodka Baab al-Mandab sidoo kale waa marin muhiim ah oo laga galo lagana baxo Badda Cas, waxaana sannad kasta dhex mara badeecooyin qiimahoodu lagu sheegay inay gaarayaan ilaa hal tiriliyan oo doollar ($1 trillion).
Marka laga soo tago carqaladaynta uu Sacuudigu kala kulmayo isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas, Xuutiyiintu waxay sidoo kale sii wadeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku qaadayaan gudaha Sacuudiga.
Arrintani waxay cadaadis ku haysaa boqortooyada Sacuudiga, xilli ay raadineyso waddo ay kaga baxdo dagaalka mar kale ka qarxay Yemen. Sida la sheegay, Xuutiyiinta ayaa shalay laba gantaal oo ballistic ah iyo saddex diyaaradood oo Drone ah ku weeraray caasimadda Sacuudiga ee Riyaad.
Weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga ayaa toddobaadyadii u dambeeyay sii xoogeysanayay, gaar ahaan gobolka Bari ee Sacuudiga oo hodan ku ah shidaalka. Weerar dhacay toddobaadkii hore ayaa waxyeello u geystay dhisme ay leedahay shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco.
Dhanka kale, magaalada Taciz ee Yemen, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalkaas, waxaa ka taagan xaalad bani'aadannimo oo daran. Xuutiyiinta ayaa ku dhowaad gebi ahaanba hareereeyay magaalada, iyagoo sii ballaarinaya dhulka ay gacanta ku hayaan.
Ilo milatari ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in guulaha ay Xuutiyiintu ka gaareen agagaarka magaalada Taciz, oo hadda noqotay mid ka mid ah furimaha ugu daran ee dagaalka Yemen, ay wiiqeen ololihii dowladda ee ku saabsanaa marin-biyoodka Baabul-mandab.
Xuutiyiintu waxay haatan si buuxda gacanta ugu hayaa goobo ku dhow xeebaha Badda Cas sida magaalada Dhubaab ee gobolka Taciz, iyo sidoo kale isla garoonka diyaaradaha ee isla magaaladaasi oo u dhow Baabul-Mandeb.
Saraakiisha ayaa sheegay in sahayda waxa loogu yeero gargaarka bani'aadannimo aysan awoodin inay magaalada soo gasho, sidoo kalena dadka rayidka ah aysan awoodin inay ka baxaan.
