Khasaaraha weerarro ka dhacay Jubbada hoose, Shabeellaha hoose & Banaadir.

Wednesday November 18, 2026 - 08:14:28
MeMO Staff
Saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo kala duwan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa ka dhacay koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbada hoose, Shabeellaha hoose iyo Banaadir.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay weerar culus oo jihaadiyiintu ay mireen xerada ciidamada Uganda ee degmada Jannaale.

Sidoo kale mintidiintu waxay weerareen isla habeennimadii xalay xerooyinka ciidamada Afrikaanta iyo kuwa dowladda federaalku ay ku leeyihiin deggaanka Golweyn.

Isla xalay jihaadiyiintu waxay weerar habeen-dheelmad ah ku qaadeen xerada ciidanka dowladda federaalka ee deggaanka Sabiid ee isla gobolka Shabeellaha hoose.

Gobolka Jubbada hoose, waxaa isna ka dhacay weerar ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku ekeeyeen isbaaro ciidanka Jubbaland u taallay tuullada Kuba Kibir oo hoos-tagta magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyey weerarkaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 askari oo lagu kala magacaabi jiray Muxamed Dhagaweyne oo ahaa taliyihii isbaarada, Calas oo isna ahaa askari.

Sidoo kale xogtu waxay xaqiijisay in weerarkaasi lagu dhaawacay 1 askari, halka dagaalyahannada Al-Shabaab ay hawl-galkaasi ku furteen 2 qori oo AK47 ah iyo laba boosh.

Gobolka Banaadir, jihaadiyiintu waxay isla habeennimadii xalay weerareen kantaroolka ciidamada Bangaraafta, gaar ahaan kuwa loogu yeero Duufaan ee isgoyska Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, weerarkan waxaa ku naf-waayay 1 askari oo ahaa taliyaha unugtii ku sugnayd kantaroolka oo lagu magacaabi jiray CabdiQaadir Maxamed Xasan (Bilaal Cirro).

Waxa kale oo xogto ay xaqiijisay, in ugu yaraan 1 askari oo kale uu ku dhaawacmay weerarkaasi, isla markaana lagu soo furtay qori AK47 ah.

Related Items

Update cookies preferences