Xilli ciidamada Uganda ay ku jiraan diyaar-garow xooggan oo sida ay sheegeen kaga baxayaan dalka, ayaa madaxa kooxda Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Isniin ah safar deg-deg ah ugu baxay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.
Booqashadan oo la sheegay inay qaadan doonto muddo hal maalin ah, ayaa kulan la filayo in Gurguurte uu la yeesho madaxweynaha waddankaasi Yuweri Musaveni, looga hadli doonaa xaaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya, gaar ahaan bixitaanka ciidamada Uganda.
Warbaahinta Uganda ee UG Dimlomat, oo safarka Gurguurte ee Kampala wax ka qartay ayaa sheegtay in wareejinta saldhigyada ay ka baxayaan ciidamada Uganda ee Soomaaliya uu ka mid yahay qodobada ugu waaweyn ee ay ka wada-hadlayaan Museveni iyo Gurguurte.
"Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan walaacyada kale ee amniga gobolka,…” Ayay tiri warbaahinta UG Dimlomat, iyadoo intaas ku dartay in si guud ajandaha wada-xaajoodkoodku uu u daaran yahay mustaqbalka AUSSOM.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in sidoo kale kulankaasi looga hadli doono khilaafka cakiran ee u dhexeeya Gurguurte iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo Museveni uu rabo si si qasab ah uu Xasan Sheekh ku keeno miiska wada-hadallada.
Waxa kale oo xogahani ay tibaaxayaan, in Kampala laga yaabo inay marti-geliso kulan ay ka qayb-galaan Xasan Sheekh Maxamuud, wakiillo ka socoto kooxaha mucaaradka iyo dalalka ay ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, booqashada Gurguurte ayaa kusoo aadaysa xilli uu kasii daray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya daba-dhilifyada Soomaailya, isla markaana ciidamada Afrikaanta ay isku diyaarinayaan sidii dalka ay uga bixi lahaayeen.
