Dabkan oo ahaa mid xooggan ayaa lasoo wariyay in qabsadey xarun ganacsi oo kutaal magalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya, halkaas oo ay ku basbeeshay hanti badan oo lagu qiyaasay malaayiin Shilin oo lacagta Kenya ah.
Dabka ayaa ka kacay xarunta ganacsiga ee lagu magacaabo Kangemi ee kutaal Nairobi, waxaana xarunta kuyaa dukaamo isugu jira kuwa lagu iibiyo qalabka Elektaroonigga, alaabta Guryaha, Dharka iyo ganacsiyo Jumlo ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in dhammaan dhismeyaashaasi ay dhulka galeen oo gabi ahaanba basbeeleen, waxaana halkaas ka dhashay khasaare hantiyeed oo badan.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay maqleen jugta qarax ka dhashay dabka ka kacay dhismeyaasha, ka dibna ay arkeen qiic iyo uuro cirka isku shareeraya, sida la sheegayo ma jirin khasaare nafeed oo ka dhashay dabka.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysay dabka, balse saraakiisha Booliiska Kenya waxay sheegeen inay baaritaanno wadaan.