Wasiirka Gaashaandhigga Villa Soomaaliya oo xil-ka-xayuubin lagu sameeyey.

Monday November 23, 2026 - 16:19:20
MeMO Staff
Wareegto maanta oo Isniin ah kasoo baxday xafiiska R/Wasaaraha kooxda Villa Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xilka looga qaaday Axmed Macalin Fiqi oo Wasiir ka ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ee maamulka Gurguurte.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Saadaq Cumar Maxamed Xasan oo ku magac-dheer Saadaq Joon, loo magacaabay wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Villa Soomaaliya.

Shaacinta xil-ka-qaadista Fiqi ayaa timid kadib wax ka yar saacad oo meel fagaare ah uu ka muujiyey hadallo laga dheehan karo baahi daran oo dhinaca ciidanka ah oo soo wajahday kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Gurguurte.

Sidoo kale xil-ka-xayuubintan ayaa kusoo aadaysa xilli Xasan Sheekh Maxamuud uu isla maanta safar deg-deg ah ugu baxay dalka Uganda, halkaas oo la filayo in madaxweynaha waddankaasi Yuweri Museveni ay ka wada-hadlaan xaaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences