Imaaraadka Carabta oo si kulul uga jawaabay eedayntii uu u jeediyey Xasan Sheekh.

Thursday November 19, 2026 - 06:52:40
MeMO Staff
War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ayaa looga jawaabay eedaymihii uu ujeediyay Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyaha kooxda Villa Soomaaliya.
Anwar Qarqaash oo ah lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Imaaraatka Carabta horayna usoo noqday wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Xasan Gurguurte ku sifeeyay madaxweyne waqtigiisu dhammaaday islamarkaana leh mawaaqif siyaasadeed oo isbed-bedel badan.

Mas'uulkan katirsan dowladda Imaaraata Carabta ayaa sheegay in hoggaaamiyaha kooxda Villa Soomaaliya uu ka shaqeeyo masaalixdiisa gaarka ah islamarkaana uu meel iska dhigay maslaxadda wadanka sida uu uhadalka udhigay.

"Weerarka uu madaxweynaha Soomaaliya ee xilkiisu dhammaanayo ku qaaday Imaaraadka Carabta ayaa muujinaya isbeddelka ku yimaada mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa. Waxaana arrintani dhalinaysaa su’aalo ku saabsan in uu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo danaha dalkiisa" Ayuu yiri lataliyaha madaxweynaha Imaaraatka Carabta.

Qoraallo dhowr ah oo siyaasiyiin iyo wariyaal katirsan dowladda Imaaraatka ay ku faafiyeen baraha bulshada gaar ahaan barta X waxay si kulul ugu weerareen Xasan Gurguurte oo ay ku tilmaameen jizaar tuugsi badan iyagoo soo muujinayay sawirrada gurguurte oo dhax wareegaya mid kamida magaalooyinka Imaaraatka.

Related Items

Update cookies preferences