Maamulka Abiy Axmed oo si cad u sheegay in Saylac ay ka mid tahay Itoobiya.

Tuesday November 17, 2026 - 09:29:54
MeMO Staff
Dowladda Xabashida Itoobiya oo marba marka ka dambaysa sii xoojinaysa damacyadeeda gurracan, ayaa haatan si cad u sheegtay in qaybo ka mida deggaannada dhaca waqooyi galbeed Soomaaliya ay ka tirsan yihiin dhulka Itoobiya.
Taliyaha guud ee ciidanka difaaca qaranka Itoobiya, Janaraal Berhanu Jula, ayaa markii u horreysay si fagaare ah u shaaciyey in deggaannada rasmiga ah ee Itoobiya ay ka mid tahay magaalada Saylac oo ka tirsan gobolka Awdal ee waqooyi galbeed Soomaaliya.

Kulamo maalmihii lasoo dhaafay uu la qaatay qaybo ka mid ah bulshada ku dhaqan xarunta gobolka Tigrey ee Maqalla, ayuu Janaraal Berhanu Jula, ka caddeeyey in wax uu ku sheegay khariiradda cusub ee Itoobiya ay ku jirto magaalo-xeebeedka istaraatiijiga ah ee Saylac.

Tigreega oo uu ka sanqariyey in khariidadan cusub iyagu ay sameeyeen ayuu ku tilmaamay dadka ugu Itoobiyaansan waddankaasi, isagoo dhanka kalena carrabka ku adkeeyey in Saylac ay ka mid tahay magaalooyinka Tigreega.

"Cadwa waxaa leh Tigree; Nejashi waxaa leh Tigrey; Aksum waxaa leh Tigree; Dogali waxaa leh Tigree, Gundhat waxaa leh Tigrey, Saylac waxaa leh Tigrey….” Ayuu yiri taliyaha ciidamada Itoobiya, Janaraal Berhanu Jula.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sii laba-jibbaartay damaceeda bad-raadiska ah tan iyo wixii ka dambeeyey bilowga sannadkii 2024, markaas oo madaxii hore ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, Muuse Biixi uu Abiy Axmed u saxiixay inuu qaato qaybo ka mida xeebaha Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences