Mas'uliyiin sarsare iyo askartii ugu badneed oo ka goosatay maamulka Aadan Madoobe.

Monday November 09, 2026 - 18:26:33
MeMO Staff
Si aan hore loo arag ayuu ukala furfuranayaa maamulka maqaarsaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dhistay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Boqolaal askari ayaa isbuucii lasoo dhaafay iyo isbuucan ka goostay magaalada Baydhabo iyo degmooyin katitsan gobolka Sh/hoose waxayna ugaleen dhanka kooxda uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed.

Degmada Buurhakaba waxaa lagusoo bandhigay wasiir ku xigeenka wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta maamulka Aadan Madoobe iyo ciidamo uu watay kuwaas oo kasoo baxsaday Bandhabo.

Deegaanka Awdiinlle waxaa isna gaaray guddoomiye ku xigeenkii magaalada Baydhabo ee dhanka maaliyadda iyo guddoomiyihii maxkamadad Racfaan ee maamulka ashahaadda ladirirak Koonfur Galbeed.

Kabtan Yuusuf Sheegoow oo kamid ahaa saraakiisha ciidamadii uu Xasan Gurguurte geeyay magaalada Baydhabo ayaa isna isku dhiibay garabka Laftagareen.

Duleedyada Waajid iyo Bardaale ayaa lagusoo bandhigay askar iyo saraakiil dhammaantood kasoo goostay dowladda Federaalka.

Baraha bulshada waxaa maalin walba kasoo muuqday askar baxsad ah oo meelo fog fog kasoo goostay arrinkan oo halis gelin kara sii jiraanka DF-ka ee iyo maamulka Aadan Madoobe kuwaas oo labaduba wajahaya khalalaasa siyaasadeed iyo kuwa amni.

Related Items

Update cookies preferences