Xildhibaan sheegay in ciidanka la geeyey Baraawe ay wajihi doonaan masiirkii Jameeco.

Saturday November 07, 2026 - 07:18:28
MeMO Staff
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo noqday lataliye katirsan Xasan Gurguurte hadane ah xildhibaan katirsan golaha baaralamaanka ayaa sheegay in saraakiishii hoggaaminaysay ciidankii lagu laayay deegaanka Jameeco ay digniin ka bixiyeen halistii ay wajahayeen ka hor intii aan lagu layn dagaalka.
Isagoo shir jaraa'id ku qabanayay magaalada Muqdisho ayuu Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu halis gelinayo ciidanka DF islamarkana uu dabka xaabo uga dhiganayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka digay in ciidamada la geeyay degmada Baraawe ay wajihi doonaan mid la mida Masiirka ciidankii DF ee deegaanka Jameeco lagu laayay.

Dhinaca kale xildhibaankan katirsan golaha baarlamaanka ayaa walaac ka muujiyay insixaabka ay sameynayaan ciidamada afrikaanta iyo quusta waxa loogu yeero beesha caalamka ka muujisay kooxda Villa Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli bishii lasoo dhaafay albaabada laysugu laabay xafiiskii Q.Midoobay ee kuyiillay xerada Xalane islamarkaana beesha caalamka ay gacanta ka taageen maalgelinta ciidamada Midowga Afrika.

Related Items

Update cookies preferences