Ururka AU oo kulan degdeg ah ka leh mustaqbalka ciidamada Afrikaanta ah ee Soomaaliya.

Monday November 09, 2026 - 18:31:02
MeMO Staff
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa maanta kulan ka yeelanaya Hawlgalka ciidamada Afrikaanta ee loo yaqaan (AUSSOM), xilli Soomaaliya ay wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo cakiran iyadoo ay sii kordhayaan caqabadaha dhaqaale ee halista gelinaya joogtaynta iyo mustaqbalka ciidamada shisheeye.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan walaacyo la xiriira taageerada dhaqaale iyo saadka ee AUSSOM, gaar ahaan kadib markii Mareykanka uu muujiyey qorshe uu ku joojinayo taageerada uu siiyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado muddada hadda loo oggolaaday taas oo ku eg 31-ka December 2026. Taageerada UNSOS ayaa muhiim u ah howlgalka ciidamada soo duulayaasha Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan muddo ku dhow 20 sano.

Dhanka kale waxaa jira qorshayaal la xiriira kordhinta muddada AUSSOM iyo dedejinta dhimista ciidamada, iyadoo laga hadlayo suurtagalnimada in hawlgalka loo kordhiyo hal sano oo dheeraad ah.

Tani ayaa dhalinaysa walaac ku saabsan awoodda maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ee la wareegidda masuuliyadda amniga, gaar ahaan xilli ciidamada Uganda ay wadaan qorshayaal ay uga baxayaan saldhigyo kuyaal gobolka Sh/hoose.

Kulankan oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ayay hoggaamiyaasha Afrikaanta uga arrinsanayaan xaaladaha kusoo kordhay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya waxayna ubadantahay in aysan soo saari doonin natiijo farxad gelinaysa Xasan Sheekh iyo kooxdiisa.

khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mamaul goboleedyada iyo mucaaradka ayaa sii adkeynaya xaaladda dalka.

Muranka ku saabsan dastuurka, muddo-xileedka dowladda iyo hannaanka doorashooyinka ayaa saameyn ku yeelanaya wada shaqeynta siyaasadeed iyo dadaallada amniga.

Waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu kulankiisa ku adkeeyo muhiimadda taageero dhaqaale oo joogto ah, qorshe amni oo nidaamsan iyo iskaashi dhow oo lala yeesho waxa loogu yeero Q.Midoobay.

Qorshaha ciidan dhimmista ballaaran wuxuu billaabanayaa bisha Janaayo ee soo socota, waxaana lafilayaa in dowladaha Itoobiya,Kenya iyo Yugaandha ay dalka ka saaraan kumanaan katirsan ciidamadooda.

Related Items

Update cookies preferences