Xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Hiiraan ayaa weli cakiran, waxaana socda qulqulka askar iyo mas'uuliyiin kasoo goosanaya maamulka uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuna biiraya kacdoonka ka socda magaalada Baladweyne.
Guddoomiyihii maamulka ashahaado-la-dirirka Hirshabeelle ugu magacownaa gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye, ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, kuna biiray kacdoonka ka bilowday Baladweyne ee looga soo hor-jeedo dulmiga kooxda Villa Soomaaliya.
Muuse Salaad ayaa xalay iska xaadiriyey guriga Ugaaska beesha Xawaadle, waxaanu shaaca ka qaaday in uu aqbalay baaqa Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, ee looga hor-tagayo duullaanka uu Xasan Sheekh Maxamuud kusoo qaaday bulshada reer Hiiraan
Bayaan uu xalay soo saaray ayuu Muuse Salaad ku caddeeyey go'aanka is-casilaaddiisa, isagoo sheegay in uusan aqbali karin in kooxda Villa Soomaaliya ay xoog, muquunin iyo qori caaradii kula kacdo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqanka gobolka Hiiraan.
Habeennimadii sabtida ayay ahayd markii Ugaaska beesha Xawaadle uu guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ugu baaqay inay qoriga ay qaataan kana dhiidhiyeen dulmiga iyo duullaanka ka dhanka ah reer Hiiraan ee uu soo abaabulay Xasan Gurguurte.
