Haraadiga askartii lagu galay Jameeco oo weerar la kulmay xilli baad-goob ay ku jireen.

Monday November 09, 2026 - 15:28:55
MeMO Staff
Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Villa Soomaaliya ayaa dhammaadka toddobaadkii lasoo dhaafay weerar kala kulmay meel u dhow degmada Leego, oo qiyaastii 100 km waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, sida ay baahisay wakaaladda wararka African Press Agency (APA).
Weerarkan dhabbo-galka ah oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab, ayay APA, sheegtay in maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ay ku dhaceen xilli ay ku sii jeedeen goob ku dhow agagaarka Jameeco oo dhawaan si ba’an loogu xasuuqay maleeshiyaadka Gurguurte.

Sida ay APA ku warrantay, maleeshiyaadkan oo ahaa haraadiga askartii lagu laayey Jameeco, ayaa la kulmay weerarkaan, waxaana gaaray khasaare kala duwan. Intaas kaddib, waxay dib ugu gurteen dhanka Ballidoogle iyo duleedka degmada Wanlaweyn.

Wararka ay wakaaladdu heshay ayaa sheegaya in maleeshiyaadkani ay doonayeen inay isku dayaan baadi-goobka askar maqan oo la rumaysan yahay inay ku dhaawacmeen weerarkii ba’naa ee Jameeco, kuwaas oo laga yaabo in goobta looga cararay.

Dhacdadan ayay warbixintu xustay in ay timid xilli uu fashilmay hawlgal milatari oo kooxda Villa Soomaaliya ay qorsheysay inay ku qaaddo dagaalyahannada Al-Shabaab. Guuldarradaasi waxaa afkooda ka qiray saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte.

Qiyaastii labo usbuuc ka hor ayay ahayd markii ku dhawaad Kun askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar ka dhacay agagaarka Jameeco, ee duleedka magaalada Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.

Related Items

Update cookies preferences