Weerarro hor leh oo khasaare geystay oo lagu qaaday ciidamada Uganda & Kenya.

Sunday November 08, 2026 - 17:55:18
MeMO Staff
Weerar hor leh oo ku saabsan weerarro geystay khasaare kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay mar kale ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose iyo sidoo kale gobolka Gaarisa ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Sida ay xogtu tibaaxayso, kooxda Al-Shabaab ayaa maanta hawl-gallo isugu jira qaraxyo iyo kamiin ka fulisay gobolka Shabeellaha hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Weerarradan ayaa lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Afrikaanta xilli ay marayeen deggaanka Marin-gubaay ee duleedka Buulo Mareer.

Inta la xaqiijiyey, qaraxyadan ayaa lagu gubay laba gaari oo mid yahay Taw midka kalena uu yahay nooca waaweyn ee xamuulka.

Sidaoo kale ilo-wareedyo aanu helnay waxay xaqiijiyeen in uu jiro khasaare nafeed oo soo gaaray ciidamadii Afrikaanta ee kolonyada ahaa.

Sidoo kale mintidiintu waxay barqanimadii maanta ay weerar culus ku qaadeen xerada ciidanka dowladda federaalka ee deggaanka Bariire.

Gobolka Gaarisa, waxaa isna ka dhacay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday saldhigga ciidamada Kenya ee deggaanka Dhaashooy ee degmada Faafi.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey, dhimashada ugu yaraan 2 askari oo Kenyaati ah, iyo dhaawaca ugu yaraan 5 askari oo kale oo Kenyaati ah.

Related Items

Update cookies preferences