Maraykanka oo xaqiijiyey bixitaanka ciidamada AFRICOM ee saldhigga Balli-doogle.

Sunday November 08, 2026 - 08:01:10
MeMO Staff
Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisey wararka sheegaya in ciidamada AFRICOM ay gebi ahaanba isaga guureen saldhigga weyn ee Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo si joogta ah ay uga hawl-galayeen muddo dhowr iyo toban sano ah.
Sida uu sheegay wargeyska Maraykanka ee Task & Purpose oo ka faallooda arrimaha millateriga, bishii hore ee October ayaa dhammaan ciidamada Maraykanka laga daad-gureeyey saldhigga Balli-doogle oo qiyaastii dhowr iyo toban mayl u jira caasimadda Muqdisho.

Sarkaal millateri oo arrintan xog-ogaal u ah ayaa wargeyska u xaqiijiyay in ciidamada AFRICOM ay gebi ahaanba isaga baxeen saldhigga Balli-doogle, inkastoo uusan faahfaahin sababta wakhti-xaadirkan ciidamada Maraykanka ku kalliftay in si dhakhso ay u faarijiyaan saldhiggan.

Cemeron Hudson oo horey uga tirsanaan jiray CIA-da Maraykanka, haatanna ah falanqeeye amni iyo siyaasadeed, ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhigga Balli-doogle xilli ay sii xoogaysteen dhaqdhaqaaqyada amni ee ka aloosan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay in saldhiggan ay si kedis ah uga daad-guraysteen wixii agab ahaa ee ka yaallay, isla markaana wixii soo haray oo ay ku jireen gaadiid ciidan ay dab qabadsiiyeen, sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen.

Saldhiggan oo ahaa taliska ugu weyn ee Maraykanku ee Soomaaliya, ayaa muddo dhowr iyo toban sanno ah AFRICOM ka waday hawl-gallo joogta ah oo laf-dhabar u ahaa duullaanka gardarrada ah ee ciidamada Afrikaantu ay qaybta ka yihiin ee lagu soo qaaday Soomaaliya.

Qixitaanka ciidamada Maraykanka ee saldhiggan ayaa kusoo aadaysa dabayaaqada bishii lasoo dhaafay ee October, oo ahayd markii kooxda Al-Shabaab ay agagaarka Leego ka fulisay weerar ba’an oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen ku dhawaad kun askari oo ka tirsan ciidanka DF Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences