Khasaaraha weerarro lagu qaaday ciidamada Uganda ee Sh. hoose + weerarro kale.

Saturday November 07, 2026 - 08:45:45
MeMO Staff
Wararka ka imanaya koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya weerarro ka dhacay gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubbada hoose iyo sidoo kale gobolka Mandheera oo ka tirsan dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo dhowr ah oo sababay khasaare nafeed iyo hantiyeed, kuwaas oo lala beegsaday kolonyo ciidamo Ugaandhiis ah.

Qaraxyadan oo si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Buulo Mareer ayaa sida ay wararku tibaaxayaan waxaa fulisay kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey, in ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda, kuwaas oo midkood ahaa sarkaal miino-baare ah, ay ku dhinteen qaraxyadaasi.

Xogtu waxay kale oo ay sheegtay in ugu yaraan 6 askri oo kale oo Ugaandhiis ah ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi, halka gebi ahaanba uu basbeellay gaari Taw ah oo miino ay la kacday.

Sidoo kale waxaa jira laba qarax oo jimcihii shalay lagu weeraray ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Buulo Mareer.

Qaraxyadan oo sida lasoo wariyey ay fulisay kooxda Al-Shabaab, ayaa la xaqiijiyey in ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Uganda.

Gobolka Jubbada hoose, waxaa aroornimada jimcihii shalay ka dhacay, weerar culus oo mintidiintu ay ku qaadeen fariisin ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deggaan hoos-taga magaalada Kismaayo.

Weerarkan oo sababay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka deggaanka Yoontooy.

Gobolka Mandheera, sida ay wararku tibaaxayaan kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka fulisay weerar culus oo ay ku qaadday xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaanka Dhamasee e degmada Lafeey.

Related Items

Update cookies preferences