Saraakiil & askar ka goosatay Baydhabo oo iska dhiibay garabka Laftagareen.

Wednesday November 04, 2026 - 07:42:43
MeMO Staff
72-dii saac ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Baydhabo ka goostay askar, saraakiil iyo mas'uuliyiin ka tirsanaa maamulka taabacsan kooxda Villa Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe.
Magaalada Buurhakaba waxaa iska dhiibay Isxaaq Xasan Maxamuud oo ahaa agaasimaha wasaaradda Awqaafta iyo ciidamo uu wato.

Sarkaalkan ka goostay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu go'aansaday ka tegidda maamulka Aadan Madoobe isagoo eedayn ujeediyay kooxda Villa Soomaaliya.

Isla magaalada Baydhabo sarkaal watay afartameeyo askari ayaa u goostay dhanka deegaanka Awdiinlle, sarkaalkan ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna ka shanqariyay in duruufo adag ay wajahayaan ciidamada ku sugan Baydhabo.

Baxsadka ay sameynayaan ciidamadan ka tirsan kooxda Villa Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Aadan madoobe ay gacantiisa ka baxeen 4 kamid ah degmooyinka ugu muhiimsan gobolka Baay waxaana ku haray oo kaliya magaalada Baydhabo.

Related Items

Update cookies preferences