Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ka hadashay dagaalka culus ee galabnimadii shalay kolonyo ka tirsan ciidamadooda ku qabsaday agagaarka deggaanka Jameeco ee duleedka magaalada Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa lagu xaqiijiyey in dagaal culus oo saacado badan qaatay uu shalay ka dhacay dhowr goobood oo ka tirsan deggaanka Jameeco, kaas oo dhex-maray ciidanka dowladda federaalka iyo jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Wasaaraddu waxay qirtray in muddadii dagaalku uu socday jihaadiyiintu ay adeegsadeen gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa, isla markaana uu jiro khasaare soo gaaray gaadiidkii kala duwanaa ee ay wateen ciidanka federaalku.
"Intii uu dagaalku socday, Al-Shabaab ayaa gaadiid ay ka buuxiyeen walxaha qarxa ku weeraray, ciidanka xoogga, waxaana weerarkaasi ka dhashay waxyeello soo gaartay gaadiidka ciidanka…” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Xukuumadda Gurguurte waxay gebi ahaanba ka gaabsatay inay ka hadasho khasaaraha baaxadda leh ee soo gaaray ciidanka dowladda, kuwaas oo sida ay xarakadu tirakoob horu-dhac ah ku sheegtay dhimashadu ay sii marayso 321 askari, halka dhaawacyaduna ay intaasi ka badan yihiin.
Dadka baraha bulshada ka taageera dowladda federaalka ayaa iyaga laftarkooda qaarkood waxay saacadihii lasoo dhaafay shaaciyeen in dhimashada askarta Xasan Sheekh ay intaas kasii badan yihiin, isla markaana ay gaarayaan inta u dhaxaysa 500 ilaa 800 oo askari.
Al-Shabaab waxa kale oo bayaankeeda ay ku sheegtay in gacanta ay ku dhigtay askar nool nool oo ka tirsan ciidanka dowladda, saanad millateri oo aad u fara badan, isla markaana isugu jirta gaadiidka dagaalka sida kuwa gaashaaman iyo hub tiro-beel ah.
Waxay wararku tibaaxayaan in ay jiraan waraysiyo lala yeeshay qaar ka mid ah maxaabiistii gacanta lagu dhigay, waxaanan ku dedaalaynaa marka ugu horreysa ee aanu helno waraysiyadaasi in aan idiin soo gudbin doono insha Allaah.
Sawirrada hoos ka muuqda iyo weliba sawirro kale oo dheeraad ah oo muujinaya jabka gaaray ciidanka dowladda, ka fiirso telegramka:
