Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaciyey in Arbacadii maanta ay weerareen fariisin ay ciidamada Sucuudigu ku leeyihiin magaalada Cadan, iyadoo la arkayay qiiq cirka isu shareeray oo ka kacaya agagaarka garoonka diyaaradaha.
Kani waa weerarkii saddexaad ee toddobaad gudihiis lagu qaado qaado magaalada Cadan, oo ah xarun muhiim u ah dowladda Yemen ee taageerada ka hesha Riyadh.
"Ciidamadeenna qalabka sida ayaa gantaal ballistic ah ku bartilmaameedsaday qolka hawlgallada ee cadowga Sucuudiga ee ku yaalla xerada Badar ee Cadan,” ayuu bayaan ku sheegay afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Janaraal Yahya Sariic.
Sarkaal ka tirsan booliska Cadan ayaa horay wakaaladda wararka ee AFP ugu sheegay in qarax dhacay uu sababay gantaal Xuutiyiintu soo rideen. Sarkaalka ayaa codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni awgood.
Laba ilo-wareed oo kale oo ka tirsan hay’adaha amniga ee magaalada ayaa AFP u sheegay in weerarka lala beegsaday goob ku dhow garoonka diyaaradaha, taas oo ay leeyihiin ciidamo ka tirsan isbahaysiga millatariga ee uu Sucuudigu hoggaamiyo, kaas oo dagaal kula jiray Xuutiyiinta.
Sucuudiga iyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa usbuucyadan dambe la kulmay weerarro isdaba-joog ah oo ay fulinayaan Xuutiyiinta taageerada ka hela dowladda shiicada ah ee Iiraan.
Maalintii Jimcaha, ayay ahayd markii laba gantaal ay ku dhaceen gudaha xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Cadan, iyadoo Xuutiyiintu ay sheegteen weerarkaas.
Maalin ka hor, ayay sidoo kale Xuutiyiintu weerar gantaal ah oo dhimasho sababay ku qaadeen qasriga madaxtooyada ee Cadan, kuwaas oo ku dhacay xarumo talis oo ku dhex yaalla madaxtooyada oo ay isticmaalaan ciidamada dowladda Yemen iyo isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo.
