Shil baabuur oo sababay dhimasho & dhaawac ayaa ka dhacay Muqdisho.

Wednesday October 21, 2026 - 07:37:39
MeMO Staff
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil baabuur oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Shilka baabuur ayaa yimid, kadib markii gaari Xamuul ah uu kasoo rogmaday Buundada Waaberi, gaar ahaan Ansalooti, kaddib na uu ku dhacay mooto Bajaaj halkaas ku sugnayd.

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkan gaari, kuwaas oo la tilmaamay inay saarnaayeen mootada uu gaariga xamuulka siday kusoo dhacay.

Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale sheegay in uu jiro khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay shilkan baabuur, gaariga xamuulka ah ayaa sida bulukeeti sida uu sheegay mid ka mid ah goobjoogeyaasha.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshadu ku wada xiriirto, ayaa muujinayay burbur soo gaaray buundada uu kasoo dhacay baabuurka shilka galay.

Related Items

Update cookies preferences