Warbixin ay baahisay Al Jazeera ayaa ka hadlaysa khasaaraha ka dhashay duqeymaha cirka ee Maraykanka ka fuliyo Soomaaliya, gaar ahaan duqaymo lagu xasuuqay dad rayid ah bishii Nofeembar 2025 ka dhacay magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.
Warbixintu waxay soo bandhigtay markhaatiyada dad rayid ah oo sheegay in duqeymahaasi bahalnimada ah ee Maraykanku uu ka fuliyey Jamaame ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen xubno qoyskooda ka tirsan.
Waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen in ay jiraan guryo iyo hanti fara badan oo duqaymahaasi ay dhulka la simeen, isla markaana dad badan oo ku noolaa deggaankani ay barakiciyeen. Qaar ka mid ah dhaawacyada ayaa la sheegay inay sababeen naafo joogto ah.
Maryam Xaaji Cabdi Guuleed waxay ka mid tahay dhowr qof oo ka badbaaday duqayn ay ku naf-waayeen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah oo bishii Nofeembar 2025, uu Maraykanku ka geystay magaalada Jamaame.
Hooyo Maryan waxay sheegtay in saddex ka mid ah lix carruur ah oo ay dhasahy ay ku dhaawacmeen duqeymihii Jamaame, iyadoo wiilkeeda Cabdiqaadir Saalax, oo markaas toddoba jir ahaa, ay jirkiisa ku hareen firirro bir ah.
Dhakhaatiirtu waxay uga digeen in ka saarista firirka ku jira agagaarka sinta ay keeni karto curyaannimo. Bishii Sebtembar 2026, waxaa wiilka lagu sameeyay qalliin Muqdisho, iyadoo laba firir laga saaray, mid kalena loo daayay khatarta la xiriirta ka saaristiisa awgeed.
Al-Jaziira oo ka mida warbaahinnada u kuur-galay dhacdadan, ayaa ogaatay in khasaare isugu jira dhimasho, barakac, burbur nolol-maalmeed iyo iyo mid hannti iyo weliba dhaawacyo weli saameyn ku leh nolosha qoyska hooyo Maryan, ay diyaaradaha Maraykanku ka geysteen Jamaame.
Dhibaatadan ayay warbixintu sheegtay in ay kusoo aadayso xilli Maraykanku uu sii xoojiyey duqaymaha uu ka wado dalka Soomaaliya, gaar ahaan muddo-xileedkii dambe ee Donald Trump.
Maryam waxay xusuusataa subaxdii ay diyaaradaha ka soo muuqdeen hawada Jamaame. Waxay diyaarinaysay quraacda kaddib markii carruurteedu dugsiga ka soo laabteen, markaas ayay maqleen guuxa diyaarado hawada maraya.
"Diyaaraduhu nagama tagaan, habeen iyo maalinba, waana la qabsanay,” ayay tiri. Iyadoo dhanka kalena dhacdadan iyo xasuuqqan ay horey u baahiyeen warbaahinno caalamiya oo uu ka mid yahay wargeyska The Gurardian.
Hooyo Maryan, waxay intaas raacisay "Carruurteedu waxay u yaaceen bannaanka iyagoo u jihaystay dhanka qaraxa.” Maryam ayaa daba gashay, iyadoo damacsan inay carruurta dib ugu soo celiso guriga ka hor inta uusan qoysku ka cararin deegaanka.
Markaas ayay hub ama walax qaraxda ahi meel u dhow ku dhacday, waxaana xigay qarax kale oo ka dhacay agagaarka albaabka hore ee guriga. Duqeymo kale ayaa intaas kaddib ka dhacay hareeraha guriga.
Maryam waxay aaminsan tahay in weerarka lagu qaaday gurigeeda ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, kuwaas oo ay sheegtay inay dul heehaabayeen magaalada ka hor intii aysan duqeymuhu bilaaban.
Ugaas Axmed Ugaas Siciid Cali, oo ah ugaas ka tirsan beesha Biyamaal, isla markaana xiriir la lahaa qoysaskii ay weerarradu saameeyeen, ayaa sheegay in dhibaatadu ay aad uga ballaaranayd dadka ku guuleystay inay Jamaame ka baxaan.
"Maryam waxay ka mid tahay dadka nasiibka u yeeshay inay helaan daryeel caafimaad. Waxaa magaalada ku haray dad badan oo ku dhaawacmay duullaankaas, kuwaas oo aan awoodin inay Muqdisho gaaraan,” ayuu yiri.
Maryam waxay xusuusatay in mid ka mid ah walxihii qaraxyada sababay uu dhulka ku dhacay balse uusan qarxin, halka duqeymo kale ay dileen dad ku dhowaa. Intii ay qaraxyadu socdeen, ayay carruurteedii kala luntay. Saddex ka mid ah lixdeeda carruurta ah ayaa dhaawacmay, waxaana ka mid ahaa Cabdulqaadir oo ahaa kii dhaawacyada ugu culus soo gaaray.
Cilmi-baaris hore oo ay hay’adda nabadda ee PAX ka samaysay Jubbaland ayaa diiwaangelisay dhaawacyo daba-dheeraaday, nolol-maalmeedkii oo lumay, barakac iyo dhaawac nafsiyeed oo ka dhashay duqeymo cirka ah oo la sheegay in Mareykanku fuliyay.
Anna Zahn, oo ah madaxa kaydka xogta ee fadhigiisu yahay Mareykanka ee hay’adda Airwars, ayaa sheegtay in cawaaqibta ka dhalata ee dadka rayidka ah kasoo gaartay duqeymaha cirka ay socon karto sannado badan.
Waxay tilmaantay in dhaawacyada Soomaaliya inta badan aan si buuxda loo soo sheegin, halka daaweyntooduna ay noqon karto mid qaali ah oo muddo dheer qaadata.
"Dhab ahaantii, daryeelka caafimaad ee loo baahan yahay waxaa dhici karta inuusanba jirin, sababtoo ah isla duqeymaha dhaawacyada geystay ayaa laga yaabaa inay waxyeelleeyeen kaabayaasha lagama maarmaanka u ah bixinta daryeel caafimaad oo heer sare ah oo joogto ah, sida waddooyinka, baabuurta, isbitaallada iyo warshadaha,” ayay tiri Zahn.
Zahn waxay sheegtay in tirada duqeymaha intii uu Trump ku jiray madaxweynenimadiisa labaad ay ku dhowaatay tiradii la fuliyay muddadii uu xilka hayay markii ugu horreysay. Waxay ku socdeen xawaare ku dhowaad afar jeer ka sarreeya kii la diiwaangeliyay intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Joe Biden.
Xogta Airwars oo loo falanqeeyay baaritaan gaar ah ayaa diiwaangelisay in ugu yaraan 216 qof oo rayid ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 iyo dhammaadkii Maajo 2025.
Tiradaasi waxay ka dhigan tahay oo keliya khasaaraha ay hay’addu awoodday inay diiwaangeliso, mana aha qiyaas muujinaysa tirada guud ee dadka waxyeelladu gaartay. Sidoo kale, xogtani waxay ka horreysay duqaymaha ka dhacay Jamaame.
