AKHRISO: Xogta weerarro Al-Shabaab ka fulisay Mandheera, Shabeellaha hoose & Banaadir.

Saturday October 17, 2026 - 18:53:46
MeMO Staff
Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Ceel-raamo ee hoostaga degmada Ceel-qaalow ee gobalka Mandheera ee ka midka ah dhulka ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Geesta kale, jihaadiyiinta Al-Shabaab waxay sidoo kale barqadii maanta weerar culus ku ekeeyeen xerada maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud ay ku leeyihiin degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Geesta kale, xoogagga Al-Shabaab waxay maanta hawl-gal qarax ah ka fuliyeen deggaanka Ceelasha Biya ee duleedka Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiil muhiim ah iyo askar ka tirsan maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen, qaraxan waxaa ku naf-waayey ugu yaraan 2 askari oo mid ka mid ah uu yahay xoghayaha asluubta, laguna magacaabo Mowliid Gaab. Waxa kale oo ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari oo kale.

Weerrradan laayaanka ah ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah jihaadiyiinta Al-Shabaab ugu ugaarsadaan ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco Telegram & Twitter:
https://x.com/WararkaSomalida

Related Items

Update cookies preferences