Ciidamada Uganda iyo askarta Gurguurte oo lagu weeraray Jannaale & Muqdisho.

Sunday October 18, 2026 - 08:10:30
MeMO Staff
Xoogagga Al-Shabaab waxay saaka weerar culus kula jarmaadeen xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose.
Sidoo kale, habeennimadii xalay jihaadiyiintu weerarro culus ku mireen xerada ciidamada Afrikaanta iyo saldhiga maleeshiyaadka kaba-qaadka u ah ee degmada Jannaale.

Gobolka Banaadir, waxaa isna ka dhacay habeennimadii xalay qarax dagaalyahannadu ay ku weerareen maleeshiyaad ku sugnaa gudaha caasimadda Muqdisho.

Qaraxan ayaa si gaar ah loogu beegsaday fariisin ay maleeshiyaadka Xasan Sheekh ku leeyihiin suuqa Jaayga ee degmada Yaaqshid, waxaana la xaqiijiyey dhaawaca ugu yaraan 1 askari.

Hawl-galladan ayaa qayb ka ah weerarrada sida joogtada ah loogu beegsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco Telegram & Twitter:
https://x.com/WararkaSomalida

Related Items

Update cookies preferences