Kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa mar kale uga digtay shirkadaha duulimaadyada, shaqaalaha garoomada diyaaradaha iyo dadka safarka ah inay isticmaalaan garoomada diyaaradaha iyo hawada Sacuudi Carabiya, iyagoo sheegay in goobahaasi ay halis ugu jiraan in la beegsado.
Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta, Janaraal Yaxya Sariic, ayaa bayaan uu maanta oo Axad ah soo saaray ku sheegay in digniinta si dhab ah loo qaato, isagoo xusay in digniinta laga reebay oo aysan ku jirin garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Makka iyo Madiina.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in garoomada kale ee Sacuudiga iyo hawadu ay noqon karaan goobo ay ciidamadoodu ka fuliyaan hawlgallo milatari. Waxay sidoo kale Sacuudiga ku eedeeyeen inuu mas’uul ka noqon doono isku-day kasta oo fashilma oo lagu dhexgalo weerarradooda.
Kooxdu waxay ku celisay inay sii wadi doonto siyaasadda aargoosiga, sida in garoon diyaaradeed lagu jawaabo garoon diyaaradeed, go’doomintana loogu jawaabo go’doomin, halka hurinta colaaddana fal-celinteedu noqon doonto mid la mid ah, ilaa ujeeddooyinkooda laga gaaro.
Digniintan cusub ayaa timid kaddib digniino hore oo ay Xuutiyiintu u jeediyeen Sacuudiga, kuwaas oo ay xigeen weerarro lagu qaaday garoomo diyaaradeed oo waaweyn oo dalkaas ku yaalla. Xuutiyiinta oo dowladda Shiicada Iiraan gacan-saar la leh, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradaas.
Digniintan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo badbaadada duulimaadyada rayidka ah ee Sacuudiga, maadaama ay si toos ah u taabanayso shirkadaha duulimaadyada, shaqaalaha garoomada iyo rakaabka isticmaala hawada dalkaas.
Sabtidii shalay ayay ahayd markii Xuutiyiintu ay weerarkii ugu ballaarnaa ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee u ugu weyn caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, kaas oo ay ku dhinteen 12 qof, isla markaana 309 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
